Muqdisho(RBC Radio) Madaxweynaha dowlada Soomaaliya ayaa digniin u diray Maraakiibta shisheeye ee dhibaatada ka wada xeebaha Soomaaliya madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa daboolka ka qaaday in hada wixii ka danbeeya lala xisaabtami doono maraakiibta xaalufinta ba’an ka wada xeebaha Soomaaliya iyo kuwa sunta haraadiga Nugleerka ku daadiya Badda Soomaaliya.
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ballan qaaday in maxkamad lasoo taagi doono wadamada shisheeye ee maraakiibtoodu sida sharci darrada ah uga kalluumeystaan xeebaha Soomaaliya,madaxweynaha ayaa hadalkan maanta ka sheegay booqasho uu ku tagay shirkada Kalluunka dhoofisa ee Somali National Fishing Company oo ay leeyihiin ganacsato Soomaaliyeed.
Madaxweynaha dalka ayaa daboolka ka qaaday in maxkamad caalami ah lasoo taagi doono shaqsiyaadka iyo dowladaha kalluumeysiga sharci darrada ah ka wada xeebaha Soomaaliya”wuu dhamaaday xiligii xeebaha Soomaaliya sida sharci darrada ah looga kalluumeysan jiray,waan dacweynaynaa ,waana ku daba jirnaa wadamada dhibaatada ka wada xeebaha Soomaaliya” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.
Madaxweynaha ayaa intaa ku daray iney xiriiro gaar gaar ah la sameeyeen wadamada xaalufinta iyo dhibaatooyinka kale ka wada xeebaha Soomaaliya si ay u joojiyaan arimahaasi,Madaxweynaha ayaa dhanka kale dhiiri galiyey kulluumeysatada dalka.
Wuxuuna ka dhawaajiyey in hada wixii ka danbeeya ay dowladu dhiirigalin buuxda siineyso kalluumeysatada dalka,wuxuuna hoosta ka xariiqay iney dowladu siin doonto waxyaabaha lagama maarmaanka u ah si ay kor ugu qaadaan wax soosaarta Badda ee dalkeena Soomaaliya.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho