Garoowe (RBC RADIO) Afhayeenka Dowlada Puntland Axmed Cumar xirsi (Libaax Joore) oo la hadlayay Saxaafada Gudaha ayaa sheegay in Puntland Marnaba aysan u cuntameyn ka mid noqoshada shirka London Maadaama ay muuqato ifafaalo ah in si Magac u yaal ah la doonayo shirka in ay uga qayb gasho Puntland taasoo u cuntami weesay Madaxda Puntland sida uu afhayeenku yiri.
“ Sidaaad la socotaan 2da Madaxweyne waxay isku afgaran waayeen habka loo wajahayo Shirka London waayo Madaxweyne Xasan sheekh wuxuu lasoo shirtagay in Nidaamka ay wadato Dowlada dhexe ee dalka Soomaliya Puntland ay Wafdiga Dowlada Somaliya ka mid noqoto oo ay shirka un ka muuqato Puntlandna arintaasi waa ka biyo diiday mana filayo taasi in ay tahay mid la qaadan karo waayo Puntland waa hooyadii Soomaliya waana xaq in ay shirka London xuquuq ku yeelataa mana ahan wax la aqbali karo in Puntland lagu maamulo hawlaha ay gaarka u leedahay sidaana waxaa yiri Afhayeenka Dowlada Puntland (Libaax Joore).
Hadalkan wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo inta badan leysku fahmi waayay Kulankii 2da Madaxweyne ay ku yeesheen Madaxtooyada Garoowe kadib markii leysla garan waayay qodobada ay ka midka yihiin Maamul u samaynta Gobolada Jubbooyinka iyo gedo, dhaqangelinta Nidaamka federaalisimka, iyo qaabka looga qayb galayo shirka London Somalida uga furmaya 7da Bisha May ee ina soo aadan.
RBC RADIO
Xafiiska Wararka Garoowe.