Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Burcad Badeed Soomaali ah oo Lacag Fara Badan Ku Siidaayey Lix Ruux oo Ajnabi ah

$
0
0

Muqdisho (RBC) Lix ruux oo u kala dhashay wadamada Denmark iyo Filibiin ayaa laga siidaayey burcad badeed Soomaali ah oo ku haysatay gudaha Soomaaliya mudo labo sano ah.

Wararka ay baahiyeen wakaaladaha wararka ayaa sheegaya in lixda ruux ay kala yihiin labo Denmark u dhalatay iyo afar Filibiiniyiin ah, waxaana burcad badeeda ay ku heysteen bartamaha Soomaaliya mudo labo sano ka badan.

Wasiirka arrimaha dibadda Holland Villy Soevndal ayaa sheegay in lixda nin la soo saaray markab ay leeyihiin ciidamada Holland ee ku sugan xeebaha Soomaaliya ku dhow.

Wasiirka wuxuu sheegay inaysan jirin wax lacag madaxfurasho oo dawladiisu ay bixisay. Hase yeeshee warar ku dhow kooxaha burcad badeeda ayaa sheegaya in burcad badeeda lacag la soo marsiiyey Kenya ay heleen maalinimadii Axadda iyagoo Isniintii siidaayey lixda ruux.

Lacagta soo gaaryay burcad badeeda illaa hadda cadadkeeda lama sheegin, laakiin waxay ilo wareedyada burcad badeedu sheegeen inay lacagta bixisay shirkadda iska leh markabka M.V Leopard ee dadka la haystayaasha saarnaayeen.

Lixda nin ayaa burcad badeeda u gacangalay Bishii Jannaayo 2011 xilli ay la socdeen markab laga leeyahay wadanka Demmark kaasoo lagu magacaabo M.V Leopard oo la afduubay xilli uu marayey meel u dhow biyaha Soomaaliya ee Gacanka Cadmeed.

Sida badan burcad badeeda ayaa lacago farabadan ka qaata dadka ay haystaan si ay u siidaayaan, waxaana lacagahaasi inta badan bixiya shirkadaha iyo wadamada iska leh maraakiibta la qafaasho iyo dadka la haystayaasha ah kuwaasoo loo baqo noloshooda.

 

RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles