Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20285

Wadooyinka caasimada Muqdisho oo maanta intooda badan gabi ahaanba xiran

$
0
0

Muqdisho(RBC Radio) Isu socodka gaadiidka magaalada Muqdisho ayaa maanta gabi ahaanba xanibay kadib markii ay ciidamada dowlada Soomaaliya soo buux dhaafiyeen wadooyinka magaalada Muqdisho kuwaas oo gaadiidka u diiday iney adeegsadaan wadooyinka kala duwan ee magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya.

Wadooyinka Muqdisho ayaa waxaa sidan oo kale loo xanibi jiray  xiliyada ay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho   ka dhoofayaan ama ay kasoo dagayaan madaxda ugu saraysa dowlada Soomaaliya iyo xliyada ay dalka soo gaarayaan wufuuda ka socota wadamada caalamka.

Saraakiisha ciidamada dowlada Soomaaliya ayaan ilaa hada ka hadlin ujeedka maanta loo xanibay isu socodka wadooyinka magaalada Muqdisho,waxaana sidoo kale aanan jirin waxyaabihii hore  looga bartay in wadooyinka loo xanibo sida in madaxda dalku ay magaalada ka ambabaxaan ama ay dib ugu soo noqdaan,waxaana kaloon jirin wafti ka socda wadamada adduunka oo maanta Muqdisho soo gaaray.

Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in hawlgalka Muqdisho ka socda uu yahay amar kasoo baxay madaxweynaha dowlada Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo wasaarada arimaha gudaha ku amray una  xilsaaray adkeynta  amniga caasimada kadib markii sida la sheegay laga war helay qaraxyo iyo dhibaatooyin kale oo kooxo ka tirsan alshabaab ay maleegayaan isla markaane ay ku doonayaan iney dhibaato la mid ah tii maxkamada gobolka ay kaga geystaan gudaha Muqdisho.

 

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20285

Trending Articles