Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Amisom oo Fariisimo Ka Sameystay Deegaanka Goof Guduud oo Ay Baneeyeen Ciidamada Ethiopia

$
0
0

Ciidamada Amisom waxay horey u joogeen degmooyinka Baydhabo iyo Buurhakaba.

Goof Guduud (RBC) Ciidamada Amisom ee ku sugan magaalada Baydhabo ayaa markii ugu horreysay bannaanka uga baxay magaaladaasi kadib markii shalay galab ay gaareen deegaanka Goof Guduud oo ku taalla duleedka Baydhaba.

Gaaritaanka ciidamada Amisom ee deegaankaasi ayaa ka dambeysay markii ciidamada Ethiopia oo horey fariisin halkaasi ugu lahaa ay isaga bexeen gelinkii hore, iyadoo ciidanka Amisom ay la wareegeen isla galabnimadii.

Taliska Amisom kama hadlin isballaarinta ay sameeyeen ciidankooda, hase yeeshee saraakiisha amaanka ee maamulka gobolka Baay ayaa sheegay in isballaarinta ay qeyb ka tahay qorshe Amisom iyo dawlada federaalka ugu talagaleen inaan la beylihin goobaha ay sida fudud uga guurayaan ciidamada Ethiopianka.

Ciidamada Ethiopia waxay bishii March isaga bexeen degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool iyadoo si fudud ay degmadaasi kula wareegeen dagaalyahanada kooxda Al Shabaab.

Raysul wasaaraha Ethiopia iyo wasiirka arrimaha dibadda ee dalkaasi ayaa toddobaadyadii u dambeeyay warbaahinta kaga celceliyey hadalo ay ku muujinayaan in ciidamadooda sii joogi karin Soomaaliya sababo ay ku sheegeen dhanka dhaqaalaha oo dawlada Ethiopia kaliya ay hadda dusha u ridato.

 

RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles