Muqdisho(RBC Radio) Xirnaanshaha inta badan wadooyinka magaalada Muqdisho ayaa saamayn badan ku yeeshay bulshada ku dhaqan caasimada Soomaaliya ee Muqdosho,Saaka waaberigii hore ayaa dadka reer Muqdisho waxa ay kusoo tooseen ciidamada kala duwan ee dowlada Soomaaliya oo ay kaabayaan kuwa nabad ilaalinta midowga Afrika oo tuban inta badan wadooyinka magaalada kuwaas oo gabi ahaanba joojiyey isu socodka gaadiidka u kala goosha xaafadaha Muqdisho.
Xirnaanta wadooyinka magaalada ayaa saamaynta ugu weyn ku yeeshay Ardayda waxkabarta Jaamacadaha iyo dugsiyada waxbarasho ee Muqdisho kuwaas oo aysan saaka u suurta galin iney soo gaaraan goobihii ay wax ka baran jireen kadib markii ay ciidamadu xanibeen isu socodka gaadiidka dadweynaha oo ay ku gaari jireen xarumaha ay wax ka bartaan oo ka fog xaafadaha ay ku nool yihiin.
Waxaa sidoo kale ay saamayn weyn ku yeelatay xanibaada wadooyonka Muqdisho wadayaasha gaadiidka ka dhexshaqeeya degmooyinka gobolka Banaadir kuwaas oo nolol maalmeedkooda kala soo bixi jiray xaafadaha Muqdisho ayaa maanta gabi ahaanba shaqa la’aan ah,kadib markii ay waayeen waddo ay gaadiidka ku kexeeyaan.
Garab raratada iyo Gaarigacanleyda ayaa iyagune ka cabanaya xirnaanshaha wadooyinka caasimada Muqdisho,dadkan oo noloshooda ku maareeya waxa ay maalintaa soo shaqeystaan,maanta meelne uma aysan dhaqaaqin kadib markii wada walba ay ciidanku u sheegeen inaan la ogoleen iney maraan wax ka baxsan dadka lugeynaya oo kaliya.
Waxaana sidoo kale jira in xiritaanka wadooyinka caasimada ay dhibaato kasoo gaartay dad bukaano ahaa oo loo waday Isbitaalada Muqdisho kuwaas oo aan awoodin iney lugeeyeen oo lagu siday gaadiid ay ciidamadu diideen in Isbitaalada lagu gaarsiiyo baabuurta ay saaran yihiin,dhgammaan shacabka ku dhaqan caasimada Muqdisho ayey saamayn baahsan ku yeelatay xanibaada isu socodka gaadiidka ee Muqdisho ay ka sameeyeen ciidamada dowlada Soomaaliya.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho