Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Golaha wasiirada oo gudi u saaray dhibaatada Qaxootiga Soomaaliyeed ku haysata dalka Yeman

$
0
0

Muqdisho(RBC Radio) Golaha wasiirada xukuumada Soomaaliya ayaa gudi u saaray arinta qaxoontiga Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Yeman,kadib markii uu soo idlaaday kualnkii Todobaadlaha ahaa ee golaha wasiirada xukuumada Soomaaliya oo uu shir gudoominayey R/wasaare Cabdi Faarax Shiirdoon ayaa waxaa laga soo saaray go’aano ay ka mid ahaayeen in gudi loosaaro dhibaatada qaxootiga Soomaaliyeed ku haysata dalka yeman.

Wasiir ku xigeenka wasaarada warfaafinta xukuumada Soomaaliya C/shakuur Cali Mire oo warbaahinta u sharaxay waxyaabihii kasoo baxay kulankii golaha wasiirada ayaa sheegay in goluhu ay waqti dheer ka doodayeen warbixin ay golaha usoo gudbiyeen wafti uu hogaaminayey wasiiru dowlaha wasaarada arimaha dibada Maxmed Nuur Gacal oo socdaal ku tagay dalka Yeman kaasoo shirka golaha wasiirada war bixin ka siiyey xaalada adag ee ay ku nool yihiin qaxootiga Soomaaliyeed ee dalka Yeman.

C/shakuur ayaa sheegay in golaha wasiiradu ay ka damqadeen dhibaatada baaxada leh ee haysta qaxootiga Soomaaliyeed ee ku tabaaleysan wadanka Yeman,wuxuuna intaa ku daray in qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool dalka Yeman iney haystaan xaalado nololeed oo aad u liita marka loo eego dalalka kale ee ay ku sugan yihiin qaxootiga Soomaaliyeed.

Wasiir ku xigeenka wasaarada warfaafinta Soomaaliya C/shakuur Cali Mire ayaa tibaaxay in golaha wasiiradu ay arintaa u magacaabeen gudi ka tirsan  wasaaradood kuwaas oo dadaal u gali doona sidii wax looga qaban lahaa duruufa adag ee Soomaalida ku haysta dalka Yeman oo ay ku dhibaateysan yihiin Kumanaan Soomaali ah oo ka cararay colaadaha ka jira Soomaaliya.

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles