Beledweyne(RBC Radio) Nin hubeysan ayaa xalay fiidkii wariye ka mid ah saxafiyiinta ka hawlgala magaalada Beledweyne dhaawac ugu geystay gudaha magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan,wariyaha dhaawaca loo geystay ayaa lagu magacaabaa C/laahi Salaad,waxaana la sheegay in xili uu ku sugnaa goob lagu shaaho oo ku taalla bartamaha magaalada Beledweyne inuu weerar kusoo qaaday nin la sheegay iney Macaamilo hore ka dhexeysa.
Ninka weerarka ku qaaday wariyaha ayaa dhaawac halis ah gaarsiiyey,waxaana la sheegayaa inuu ka dhaawacay qaybta sare ee jirkiisa,waxaana markiiba loola cararay Isbitaalka guud ee magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan si xaaladiisa caafimaad loogu dabiibo.
Ninka ayaa falka dhaawaca ah ku geystay Masaar(Faas),ninka dhibaatada wariyaha u geystay ayaa waxaa gacanta ku haya ciidamada booliska dowlada Soomaaliya ee ku sugan magaalada Beledweyne sida uu warbaahinta u xaqiijiyey taliyaha Saldhiga booliska Beledweyne Cali Cabdi Mahad Alla.
Wariyaha ayaa la sheegayaa inuu dhaawac ka qabo dhanka qoorta iyo garabka,waxaana xaaladiisa caafimaad lagu dabiibayaa Isbitaalka guud ee magaalada Beledweyne,taliska booliska Beledweyne ayaa sheegay iney baaritaan ku hayaan sababta keentay weerarka loo geystay Wariye C/laahi Salaad.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho