New York (RBC) Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa caawa shaaca ka qaaday in Ergeygii u qaabilsanaa Soomaaliya uu xilka ka tagayo 3-ka bisha Juun isagoo magacaabay wakiilka cusub ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya.
Nickolas Kay oo ah agaasime ka tirsan waaxda Afrika ee wasaaradda arrimaha dibadda Ingiriiska ayaa loo magacaabay inuu noqdo wakiilka cusub ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya.
Diblomaasigan Ingiriiska ah ayaa horey uga soo shaqeeyay qaaradda Afrika, gaar ahaan wadamada Sudan oo uu ka ahaa danjiraha Ingiriiska ee fadhiya Khartoum. Wuxuu sidoo kale noqday la taliye ka tiesan xagiiska Afrika ee waaxda arrimaha dibadda Ingiriiska. Waa aabe leh saddex carruur ah iyo xaas.
Magacaabistiisa ayaa timid xilli dawlada Ingiriiska ay qabanqaabineyso shirweyne lagu kaalmeynayo dwlada Soomaaliya kaasoo bisha May 7-deeda ka dhici doona London.
Dhanka kale xafiiskii siyaasadda Qaramada Midoobay u qaabilsanaa Soomaaliya UNPOS ayaa gebigiisba la baabi’iyey, iyadoo hadda Qaramada Midoobay ay ka fekereyso magac u bixinta xafiiskeeda cusub ee Soomaaliya oo noqon doona xafiis caawimaad oo la shaqeeya hay’adaha dawlada federaalka Soomaaliya.
RBC Radio