Muqdisho(RBC Radio) Ciidamada dowlada Soomaaliya ayaa saaka hawlgal ballaaran ka sameeyey degmada Yaaqshid ee magaalada Muqdisho hawlgalka ayaa waxaa ka qaybgalay ciidamada nabadsugida iyo booliska dowlada Soomaaliya,waxaana sidoo kale hawlgalka saaka qayb ka ahaa booliska AMISOM.
Hawlgalka oo ahaa mid baaxad weyn ayaa waxaa ay ciidamadu guri guri u galeen xaafadihii ay baaritaanada ka wadeen, waxayna gacanta kusoo dhigeen boqolaal ruux oo u badnaa dhalinyaro kuwaas oo aqaladooda laga soo qabqabtay waaberigii hore ee saaka.
Xaafada Carafaat ee degmada Yaaqshid oo ahayd halka uu hawlgalka Baaxadiisu ka socday ayaa waxaa saaka hakad galay isu socodkii iyo ganacsigii xaafadaas.Ciidamada ayaa dadkii ay hawlgalka kusoo qabteen iskugu keenay Barxad ku taalla xaafada Carafaat,waxayna bilaabeen kala shaandheynta dadkii ay gacanta kusoo dhigeen.