Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

DEG DEG:Dagaal u dhexeeya ciidamada dowlada iyo alshabaab oo ka xiligan ka socda gobolka Bakool

$
0
0

 

Bakool(RBC Radio) Wararka aan ka heleyno deegaanka Ceel-garas ee gobolka Bakool ayaa sheegay in deegaankaas uu xiligan dagaal qaraari ku dhexmarayo ciidamada dowlada Soomaaliya iyo ciidamada alshabaab,wararka aynu heleyno ayaa ku waramaya in dagaalku uu ka danbeeyey kadib markii ay deegaankaas duulaan ku qaadeen ciidamada dowlada Soomaaliya.

Ciidanka dowlada ayaa la soo sheegayaa iney deegaanka Ceel-garas ku qaadeen dagaal qorsheysan oo laba geesood ah,ilaa hada ma caddainta uu la egtahay  khasaaraha dhimasho iyo dhaawac  ah ee kala gaaray dhinacyada dagaalamaya iyo dadka deegaanka ee lagu dul dagaalamay,waxaana gabi ahaanba hawada laga saaray Isgaarsiinta deegaanka uu dagaalku ka socdo.

Deegaanka Ceel-garas ayaa 45-KM u jiray degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool,masuuliyiinta dowlada ee gobolka Baay ayaa sheegay in dagaalkaasi uu yahay mid qorsheysan oo ay ku doonayaan iney dib gacanta dowlada ugu soo ceshaan deegaanadii ay dhawaan ka bexeen ciidamada dowlada iyo kuwa Ethiopia oo ay dib gacanta ugu dhigeen alshabaab.

 

Wixii kusoo kordha dagaalka Imika ka socda gobolka Bakool kala soco wararkeenna danbe.

 

 

 

RBC Radio

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles