Muqdisho(RBC Radio) Gudoomiyaha golaha dhaqanka iyo midnimada beelaha Muqdisho Maxamed Xasan Xaad oo shir Jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya ay ka gaabisay hawlihii loo igmaday,wuxuuna si gaar ah farta ugu goday in dowladu ay ka gaabisay doorkii ay ku lahayd dhisida maamulada uu dalku yeelanayo
Maxamed Xasan Xaad ayaa si kulul u dhaliilay dowlada,wuxuuna tibaaxay in kaalinteedii ay gabtay isla markaane ay indhaha ka daawaneyso waxa dalka ka socda sida uu hadalka u dhigay,wuxuuna ku daray in go’aankii laga sugayey in ay ka qaadato dowlada shirka Kismaayo ineysan kasoo dhalaalin.
Gudoomiyaha golaha dhaqanka iyo midnimada beelaha Muqdisho Maxamed Xasan Xaad ayaa dowlada Kenya ka dalbaday iney faraha kala baxdo arimaha maamul u samaynta gobolada dalka Soomaaliya,wuxuuna ka codsaday madaxweynaha cusub ee dalkaas inuu dhowro wanaagsa dhexyaal labada dal iyo deris wanaaga.
“waxaa cad in dowlada Kenya ay u hanqal taageyso iney saameyn weyn ku yeelato maamulada gobolada Koonfureed ee Soomaaliya,taasine maaha mid ay aqbali karaan shacabka Soomaaliyeed,waa in dowlada Kenya ay qadarisaa deris wanaaga labada dal,farahane kala baxdaa arimaha maamul u samaynta Jubooyinka” ayuu yiri Maxamed Xasan Xaad.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho