Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Faroole oo Soo Jeediyey In Maxkamad La Saaro Qabqablayaashii Dagaalka Soomaaliya Ee Ku Jira Baarlamaanka Federaalka

$
0
0

Garoowe (RBC) Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole oo xalay ka hadlay xaflad casho sharaf ahayd oo madaxtooyada Garoowe loogu qabtay wafdigii madaxweynaha dawlada federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo Garoowe ku sugan ayaa ka hadlay aarimo badan oo ku saabsan siyaasadda gudaha.

Munaasabad ballaaran oo casho ah ayaa xalay lagu qabtay xarunta madaxtooyada Garoowe, waxaana xafladan ka qeybgalay wafdiga madaxweynaha Soomaaliya, wasiirada dawlada federaalka, xildhibaano iyo masuuliyiinta maamulka Puntland.

Maxkamadeynta qabqablayaasha

Madaxweyne Faroole oo xaflada xalay hadal ka jeediyey ayaa sheegay in qaar ka mid ah qabqablayaashii dagaalka ee Soomaaliya ay ku jiraan golaha baarlamaanka federaalka Soomaaliya, wuxuuna sheegay inay fiican lahayd in raggaasi maxkamad la geeyo oo laga gooyo wixii ay geysteen, sida uu yiri.

“Waxaan filayaa in wax yar kaga harsan yihiin baarlamaanka federaalka, baa wax kaga jirjiraan, waxaana soo jeedin lahaa koleyba waa lagala xisaabtami doonaa wixii ay geysteen, oo nin kii kumanyaal dilay, laakiin waxaa fiicnaan lahayd iyagana u fiicnaan lahayd in la maxkamadeeyo oo laga gooyo wixii ay geysteen.” ayuu yiri madaxweyne Faroole.

Faroole wuxuu ku eedeeyay in qabqablayaasha dagaalka oo qaarkoodna ciidamadii hore ka hareen ay ahaayeen dadkii riday dawladii hore ee dalka, is hortaagna ku sameeyay dawladihii soo maray dalka.

Aniga odayaasha ayaan ka mid ahay

Madaxweyne Faroole oo khudbad dheer jeediyey ayaa markale ku celiyey hadal uu shalay sheegay oo ku mana-sheegtay dhismaha dawlada federaalka, isagoo sheegay inuu yahay ninka kaliya ee oday ah ee hadda madax ka ah dalka.

“Koleyba raggiina hogaamiya dawlada federaalka, oo dhalinyarada ah gaar agaan adiga [madaxweyne Xasan], raysul wasaaraha iyo gudoomiyaha baarlamaanka midkiinba kuma jirin nidaamkii looga soo gudbay ku-meelgaarka laakiin nasiibkiina ayey noqotay, anaguna hadaan nahay raggii waaweynaa, WELIBA aniga oo odayaasha ka mid ah aan gacan idinku siino.” ayuu yiri C/raxmaan Faroole.

Puntland inay ka qeybgasho

Faroole oo ka hadlay kaalinta maamulka Puntland ayaa sheegay in Puntland ay u baahan tahay in qeybteeda laga siiyo kheyraadka dawlada federaalka hesho, lagana qeybgaliyo shirarka iyo safarada dibadeed ee dawlada madaxdeeda ay galayaan.

Si gaar ah wuxuu u soo qaaday in shirarka siyaasadeed ay Puntland ku jirto oo loogu yeero, haddii kale ay dhici karto in la yiraahdo “beelo ayaa isu dhuuntay iyo dhinacyo gaar ah ayaa kulmay”, ayuu yiri madaxweyne Faroole.

Wuxuu intaa ku daray in Puntland marka loo eego goobta muhiimka ee ay ku taallo ay “keligeed noolaan karto” dadkana la noolaan karto, sida uu sheegay madaxweyne Faroole.

 

RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles