Garoowe (RBC RADIO) Madaxweynaha Puntland Dr C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole ayaa sheegay in Puntland ay garab taagan tahay Dowlada Soomaliya ayna ka qayb qaadan doonto la sahqaynta Dowlada Soomaliya si loosoo celiyo Nabadii iyo kala dambeyntii ka jirtay dalka Soomaliya mar uu ka hadlayay kulan Casha Sharaf ah oo xalay Madaxtooyada Cusub loogu sameeyey Madaxweynaha Somaliya Mudane Xasan sheekh Maxamuud iyo wafdigii uu hogaaminayay Xafladaadi oo ay kasoo qayb galeen dhinacyo kala duwan.
“ Dalku isbedel ayuu u baahnaa wuuna helay oo waxaa u dhalatay Dowlad aan kumeel gaar ahayn dowladu waxay u baahntahay taageero anagana waanu la garab taagan nahay taageerada ay naga rabro, sidaad la socotaan mudanayaal wali hawlihi dowlada laga sugayay ma dhameystirna sida in dowlad Goboleedyo la dhiso sidaa darteed Puntland waxay xaq u leedahay in ay isku hagto Dastuuurkeeda inta maamuladaasi lasoo dhisayo,Dalkeena dhibaatooyin badan ayuu soo maray waa leys dilay oo leys dhacay hadana wax walba waa in xalay dhalay laga noqdaa oo loo bataa dhanka wanaagsan sidaana waxaa yiri Mudane faroole.
Dr C/raxmaan wuxuu kaloo xusay in waajib Dastuuri ah ay tahay in Kulan kasta oo looga hadlayo arimaha Soomaliya ay goob joog ahaato oo aysan ka maqnaan sida uu Dastuurrka qiirayo si hadhaw uusan is qabqabsi uga iman ama aan loo oran koox hebel ayaa ma maqnayd isagoo hadalkaas yiri mar uu ka hadlayay Wadahadalka u dhexeeya Soomaliya iyo S-Land, Madaxweynuhu wuxuu sheegay in ay ka gaabsanayaan wax yaabo ay Dadka reer Puntland jeclaan lahaayeen in talaabo laga qaado sababo ah in aan dhiig dambe daadan taana waa in ay fahmaan ayuu yiri Mudane Faroole walaalahayaga S-Land iyo Dowlada Dhexe ee Somaliya.
Madaxweynuhu wuxuu ugu dambayn ka hadlay arimaha Burcad –Badeeda Argagixisada oo uu sheegay in Puntland ay dagaal xoogan kula jirto loona baahanyahay in laga gacan siiyo la dagaalanka kooxahaasi, wuxuu kaloo xusay in khilaaf xoogan uu u dhexeeyo Alshabaab maadaama ay baadil ku heshiiyeenah ay waajib tahay in ay Xaqa isku dagaalaan isagoo sheegay in isku dhocooda uu yahay jab kale oo ku dhacay kooxda alshabaab loona baahanyahay in lagu sii ciribtiro,wuxuu sheegay arimahasi oo idil iyo shirarka London iyo waxyaaba kaleba ay ka wada hadli doonaan mudane Xasan sheekh oo aysan wali shirar toos ah wada gelin laakiin Maanta ayaa la filayaa in 2da dhinac ay si toos ah u wada kulmaan.
Muane Xasan sheekh oo Xaflada soo xiray wuxuu sheegay in Puntland ay udub dhaxaad u ahayd soo dhisida Dowlada uu hogaaminayo Dastuurka ay ku dhaqanto ayna tahay wax iska muuqda in Dowlada Puntland iyo shacabkeedu ay yihiin dad nabada Jecel isagoo tusaale usoo qaatay Shirarkii ka dhacay garoowe iyo Gaalkacyo ee aayaha Soomalida looga hadlayay, wuxuu Madaxweynuhu Codsaday in la taageero shirka London ka dhacaya 7da May Dalkana ay dan weyn ugu jirto Umada Soomaliyeed meelkasta oo ay joogaan, waxaana lagu soo bandhigayaa Wax qabadka Dowlada isla markaana lagu dalbanayo Taageero iyo talo wada socota inkastoo uusan xusin Madaxweynuhu in Puntland ay ka qayb galeyso shirkaasi iyo in kale,balse wuxuu meesha ka xusay in arintaasi ay kala tashan doonaan Madaxda Puntland.
Madaxweynaha Soomaliya ayaa la filayaa in uu Maanta booqasho ku tago goobo ka mid ah Xarumaha Dowlada si uu usoo arko dhismeyaasha ka socda, waxaa kaloo jira warar aan la xaqiijin oo sheegaya in Madaxweynuhu uu nagi kusii ahaandoono Magalaada oo uu beri ka dhoofi doono Magaalada Garoowe wallow uu qorshuhu ahaa in uu maanta Madaxweynuhu ambaboxo warkaase wali lama xaqiijin maadaa uu aad u liito isku xirka Saxaafada iyo Madaxtooyada si loola socdo dhaqdhaqaaqyada ka jira Xarunta Madaxtooyada.
Kulankii Xalay Madaxtooyada ka dhacay ayaan lagu soo wargelin saxafiyiinta Puntland iyadoo aysan jirin cid wariye ah oo xalay joogtay Xarunta Madaxtooyada Marka laga reebo wariyeyaasha la socday Madaxweynaha Soomaliya iyo Wariyaha Madaxtooyada Puntland taasoo Saxafiyiintu ay ku tilmaameen qaladkii 2baad oo loola bareero Saxafiyiinta ka hawlgasha Magaalada garoowe oo shalay jir dil iyo handadaad ay u geysteen Ciidanka Madaxtooyada taasoo ilaa hada aysan xukuumadu wax war ah kasoo saarin.
RBC RADIO
Xafiiska Wararka Garoowe.