Muqdisho(RBC Radio) Waxgaradka kasoo jeeda gobolka Shabeelaha hoose ayaa cabasho u diray dowlada Soomaaliya waxgarad iyo odayaal dhaqameed kasoo jeeda gobolka Shabeelaha hoose ayaa dowlada Soomaaliya ka dalbaday iney si deg deg ah wax uga qabato dhul boob baahsan oo ay sheegeen inuu ka socdo deegaano hoostaga degmada Baraawe ee gobolkaas.
Waxagardka baaqa u diray dowlada Soomaaliya ayaa sheegay in dhul boob baahsan lagu hayo dhul beereed ay leeyihiin dadka deegaanka waxayna tibaaxeen inaan loo dul qaadan karin boobka lagu hayo hantida dadka deegaanada gobolka Sjabeelaha hoose.
Odayaasha ka qaybgalaya shirka ka dhacay Muqdisho ayaa ka codsaday madaxda ugu saraysa dowlada Soomaaliya iney sida ugu dhaqsaha badan usoo fara galiyaan arinta la xiriirta boobka dhul beereedka deegaanada hoos yimaada degmada Baraawe ka socda.
Deegaanada ay sheegeen in dhul boobka baahsani uu ka socdo ayaa waxaa kamid ah deegaanada Mariin-guba,la helay iyo deegaano kale oo dhamaantood ka tirsan gobolka Shabeelaha hoose,waxayna digniin u direen dadka ku hawlan dhulboobkaas,iyagoona ugu baaqay iney joojiyaan boobka ay ka wadaan halkaa,hadii aysan joojin waxay tilmaameen in cawaaqib xumi ay ka dhalan doonto.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho