Jowhar(RBC) Taliyaha Guutada koowaad ee ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed Jen. Maxamed Maxamuud Saney ayaa shaaca ka qaaday in Fatahaada iyo daadadkja ka dhashay Roobabka lixaadka leh ee ka da’aya gobolka Shabeelaha dhexe ay yihiin Musiibo qaran oo u baahan in si deg deg ah looga jawaabo loona samata bixiyo dadka ku waxyeeloobay gobolkaas.
Jen. Saneey ayaa sheegay in dhibaatada ka dhalatay Fatahaadaha ka dhacay magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha dhexe ay tahay mid aan lasoo koobi karin,wuxuuna shaaca ka qaaday in ku dhawaad 5 boqol oo Qoys ay kasoo barakeceen aqaladooda oo ku yaallay xaafadaha magaalada Jowhar.
Wuxuuna intaa ku daray in 2 carruur ah ay ku dhinteen Fatahaadahaas,taliyaha guutada koowaad ee ciidanka xooga dalka Jen. Maxamed Maxamuud Saneey ayaa ku baaqay in gurmad deg deh ah lala gaaro dadka ku tabaaleysan degmada Jowhar iyo deegaanada ku xeeran oo uu sheegay iney u baahan yihiin samata bixin deg deg ah.
Taliyaha ayaa sheegay in ciidanka xooga dalka ee ku sugan degmada Jowhar iney u gurmadeen dadka ku waxyeeloobay daadadka iyo Fatahaadaha wabiga,wuxuuna intaa ku daray in dadka kasoo daad gureeyeen xaafadaha qaar oo ay ku go’doomeen,wuxuuna ugu baaqay dowlada Soomaaliya iney si dhaqso ah uga jawaabto dhibaatada ku habsatay shacabka gobolka Shabeelaha dhexe gaar ahaan magaalada Jowhar.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho