Kismaayo(RBC Radio) Gudiga farsamada shirka maamul u samaynta Jubaland ayaa daboolka ka qaaday in shirkaasi uu u socdo si habsami leh isla markaane ay soo dhamaystireen intii badneen 5-tii boqol ee ergooyinka ahayd kuwaas oo loogu tala galay iney soo doortaan madaxweynaha uu yeelan doono maamul goboleedka Jubaland.
C/salaan Xasan Axmed oo ka tirsan gudiga farsamada shirka maamul u samaynta gobolada Jubooyinka iyo Gedo ayaa shaaca ka qaaday in shirka Kismaayo uu meel wanaagsan marayo,wuxuuna tilmaamay in shalay odayaasha dhaqan ee beelaha matalaya iney isku raaceen iney deegaanka ka jirto baahida ku aaddan helida maamul goboleed ay dadku dhistaan.
C/salaan Xasan ayaa sheegay in odayaasha oo shir loogu soo xiray garoonka diyaaradaha Kismaayo,shirkaas oo uu sheegay in odayaasha dhaqanka gobolada Jubooyinka iyo Gedo ay isku raaceen isla markaane ay wada saxiixeen qaybsiga Ergooyinka ka qaybgalaya doorashada maamulka Jubaland,wuxuuna intaa ku daray in wixii ka danbeeya Maalinta Talaadada ah in la xareyn doono ergooyinkii loo jaray kaararka Aqoonsiga ee Erganimo,kadibne la guda gali doono tallaabada xigta ee shirka oo noqoneysa doorashada maamulkaas.
Wuxuuna meesha ka saaray iney jiraan khilaafaad ragaadiyey habsami u socodka shirka Kismaayo”ma jiraan khilaafaad uu shirku u socon waayey,ee waxaa jiray kala aragti duwanaansho ku aaddaneed qaabka loo wajahayo arimaha qaar ee shirka” ayuu yiri C/salaan Xasan Axmed oo ka tirsan gudiga farsamada shirka maamul u samaynta Jubaland ee ka soconaya magaalada Kismaayo.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho