Garoowe (RBC) Madaxweynaha dawlada federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta isaga iyo wafdi uu hogaaminayo ay gaareen magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland ayaa shaaca ka qaaday inaanu jirin wax gorgortan ah oo dawlada federaalku ka galeyso midnimada dalka.
Madaxweynaha oo ay si wadajir ah shir jaraa’id u qabteen isaga iyo madaxweynaha maamulka Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole ayaa sheegay in dawladu raadineyso isku soo celinta iyo heshiista dadka.
”Dalkaani waa mid… war ma kaal go’naa iyo ma kala tagnaa maanta ma taagna, laakiin sidee dadkii iyo dalkii shalay meeshay joogeen iskugu soo celinaa ayaa noo taal inaa ka shaqeyno, sidee dhaawicii iyo boogtii loo dhayaa.” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
“Soomaali waa mid, dad badan oo qeybo badan oo Soomaali ku nool ayaa weli xusuustii murugada dareemaya oo raba in la qanciyo oo loo burcad-dhayo.” ayuu sii raaciyey madaxweynaha.
Wuxuu intaa ku daray in ay jiraan dad Soomaaliyeed oo lagu xadgudbay, oo gude iyo dibadba jooga rabana inay helaan caddaalad si ay kalsooni u gasho.
Hirgelinta federaalka
Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu qiray in weli dawlada federaalka wax badan ka dhiman yihiin, ayna ku jirto marxalad bilaw ah.
”Wax badan ayaa ka dhiman hirgelinta nidaamka Federaalka ah ,wadadu waa mid qodxo iyo dhaqxaani taalo ,waxana looga gudbi karaa iskaashi ,kalsooni iyo isku samir” ayuu sheegay madaxweynuhu.
Markuu ka hadlay nidaamka federaalka ee Soomaaliya wuxuu sheegay in dad badan markii ay ka jawaabi waayeen su’aalo badan oo la xiriira qaabka uu noqonayo federaalka iyo sida loo hirgalinayo inay dawlada ku soo jeestaan kuna eedeeyaan in dawlada ay diidan tahay federaalka.
RBC Radio