Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Wariyaal Loogu Gacan Qaaday Madaxtooyada Puntland

$
0
0

 

Garoowe (RBC RADIO) Intii ay socotay Soo dhaweynta Madaxweynaha Soomaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa jiray hadalo amaro kulul u badan oo saxaafada ay ujeedinayeen Madax ka mid ah Puntland kaasi oo la xiriiray inaan cariiri iyo Buuq la samayn xiliga uu soo dagayo Madaxweynaha si hufannah lagu soo dhaweeyo waxayna saxaafadu balanqaadeen in ay nidaamka ilaalin doonaan wuxuuse heshiiskaasi is bedelay kadib markii Leysugu yimid Xarunta Madaxtooyada kolkaasi oo ku dhawaad 21 wariye la celiyay loona diiday in ay gudaha u dhaafaan Xarunta Madaxtooyada talaabadaasi oo ay qaadeen ciidan ka mid kuwa Madaxtooyada.

 

Saxafiyiin lasocotay madaxweynaha ee kasoo Raacday Magaalada Muqdisho iyo saxafiyiinta ku dhaqan garoowe oo marka la eego mihnad ahaan isku shaqo ah ayaa sarkaal katirsan Kuwa federaalka oo la socday Madaxweyne Xasan sheekh wuxuu kasii daayay Xarunta Madaxtooyada iyadoo markii suxufiyiintii kale ee gobolka ay isku dayeen iyana in ay gudaha galaan qaar kood loo gacan qaaday qaar la kala tuuray oo la handaday halka qaarkalena qalabkoodii laga jajabshay, waxaase taasi kasii darneed markii suxufiyiintu ay isku dayeen in ay banaanka uga soo baxaan Madaxtooyada kadib markii ay go’aan ku gaareen is hor istaag lagu sameeyey wallow Saxafiyiintu iyagoo careysan ay xoog ku jiireen ciidanki hortaagnaa albaabka hore ee Madaxtooyada.

 

Saxafiyiinta ayaan u suurta galin in ay ka qayb galaan kulankii ka dhacay Madaxtooyada kadib markii dagaal ay kala kulmeen ciidanka Madaxtooyada oo si fool xun ula dhaqmay saxafiyiinta waajibaadkooda gudanayay, lama oga sababta ay arintan u dhacday iyadoo saxafiyintu ay yihiin kuwo dalka iyo dadka u shaqeeya una soo gudbiya dhacda kasta oo dhacda taa bedelkeedna loogu abaal guday in lala dagaalamo loona caga jugleeyo.

 

Xoghayaha Ururka Suxufiyiinta ee MAP Burhaan Axmed Daahir ayaa dhacdadan ku tilmaamay mid wuxuushnimo ah wuxuuna sheegay in Baaritaan lagu samayn doono dhanka dowladana looga fadhiyo in dhankeeda ay baaritaan ka wado, waxaana falkani lagu qeexay in qayb  uu ka yahay Caburinta Suxufiyiinta lagu hayo.

 

Arintan ayaa imaaneysa iyadoo Saxafiyiinta Puntland ay qaati ka taagnaayeen Bilooyinkii ugu dambeeyey Xeer aan sharciyeysneen oo aan lagala tashan saxaafada oo ay iskeed usoo saartay wasaarada Warfaafinta  siina raacisay cagajugleen iyo Handadaad  ayaa hadana waxaa sii raacay Gacan ka hadal ay ciidanka qaarkii saxaafada kula kaceen Maanta, waxaase suxufiyiinta oo shir gaar ah yeeshay ay xuseen in dhacdadani  kaska ay u sameeyeen ciidanka Madaxtooyada Puntland aysan waxba u dhimi doonin hawsha ay u hayaan Bulshada Soomaaliyeed meelkasta oo ay Caalamka ka joogaan..

 

RBC RADIO

Xafiiska Wararka Garoowe.

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles