Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Xasan Sheekh Iyo Faroole oo Shir Jaraa’id oo La Isugu Jawaabay Ku Wada Qabtay Garoowe

$
0
0

Garoowe (RBC) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo saaka booqasho ku tagay magaalada Garoowe iyo madaxweynaha maamulka Puntland C/raxmaan Faroole ayaa goordhow shir jaraa’id ku wada qabtay xarunta cusub ee madaxtooyada Garowe.

Madaxweyne Faroole oo ugu horreyn shirka jaraa’id ka hadlay ayaa ku celceliyey in dawlada Federaalka looga fadhiyo dhaqangelinya nidaamka federaalka iyo in dalka ay ka sameysmaan maamul goboleedyo ay ka mid tahay Puntland iyo kuwa kale ee sameysmi doona.

Faroole wuxuu sheegay in maamulkiisa Puntland aanu gorgortan ka geli doonin hirgelinta nidaamka federaalka ee dastuurka cusub qeexayo, wuxuuna Faroole sheegay in dadka Soomaaliyeed ay qabiil-qabiil u dagaalameen iskuna dhibtoodeen hadda ka dibna xalku uu ku jiro “nidaam federaal” oo ay hoos yimaadaan maamul goboleedyo.

Faroole wuxuu kaloo taageeray habka loo sameynayo maamulka cusub ee Jubbalad ee shirkiisu ka socdo magaalada Kismaayo, wuxuuna dawlada federaalka ugu baaqay in wax isla meel dhigaan dadka ku hawlan shirka Jubbooyinka.

C/raxmaan Faroole ayaa sidoo kale ku dhaliilay dawlada federaalka ee Muqdisho fadhida inaysan dhameystirneyn hay’adeheeda loona baahan yahay inay soo dhameystirato hay’adeheeda dawliga ah.

Faroole wuxuu kaloo nasiib darro ku tilmaamay in madaxweynaha Soomaaliya uu siddeed bilood kadib doorashadiisa uu yimaado Puntland.

Xasan Sheekh oo hadlay

Madaxweyne Xasan Sheekh oo isaguna shirka jaraa’id ka hadlay ayaa sheegay in dawladisu ay leedahay labo hadaf oo waaweyn kuwaasoo ay dawladu hirgelinso.

1) Madaxweynuhu wuxuu sheegay in dawladu ay ku dadaaleyso inaanu dalku kala go’in oo Soomaaliya ay mid noqoto.

2) Wuxuu kaloo Xasan Sheekh sheegay in nabadgelyada dalka iyo xasilintiisa ay tahay hadafka kale ee dawladiisu leedahay.

Mar uu ka jawaabay hadalka Faroole, wuxuu Xasan Sheekh sheegay in dawladiisu aysan gorgortan gelineyn federaalka, laakiin wuxuu sheegay inay su’aalo badan ka horreeyaan, suda in la is weydiiyo federal nocee ah ayaa la qaadanayaa? iyo sidee loo sameynayaa ama jidkee ayaa loo marayaa hirgelinta federaalka?.

Xasan Sheekh wuxuu tilmaamay inaan loo baahneyn in lagu laabto waxyaabihii horey looga soo gudbay sid qorshihii tubta qariirada ee looga soo gudbay ku-meelgaarka. Wuxuuna sheegay in ay muhiim tahay in horey loo socdo.

Shirka jaraa’id kadib ayaa waxaa bilawday kulan albaabadu u xiran yihiin oo u dhexeeya wafdiga dawlada federaalka iyo maamulka Puntland.  Waxaana dibadda loo saaray saxaafadda iyo shaqaalaha kale ee madaxtyooyada Garoowe oo dhammaantood kulanka dibad joog ka ah.

Wariyaha Raxanreeb ayaa soo sheegaya in madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdigiisu ay caawa ku hoyan doonaan magaalada Garoowe, iyagoo berito booqan doona xarumo ku yaalla Garoowe oo ay ka mid yihiin xarumaha ciidamada.

 

Kala Soco Raxanreeb wixii ku soo kordha.

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles