Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Xildhibaan Dalxa: Xiligan ma haboona in Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan Kenya in dalka dib loogu soo celiyo

$
0
0

Muqdisho(RBC Radio) Xildhibaan ka tirsan mudanayaasha baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa kasoo horjeestay in qaxootiga Soomaaliyeed ee  ku sugan wadanka Kenya dib loogu soo celiyo gudaha wadanka Soomaaliya,Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ah gudoomiye ku xigeenka gudiga arimaha dibada baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay ineysan suurta gal ahayn in xiligan dalka dib loogu soo celiyo dadka ku sugan xeryaha qaxootiga wadanka Kenya.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa ayaa shaaca ka qaaday in deegaano badan oo dadkani ay markii horaba kasoo barakeceen aysan xiligan suurta gal ahayn iney dib ugu laabtaan maadaama ay wali ka arimiyaan kooxda alshabaab ee dagaalka kula jirta dowlada Soomaaliya.

Wuxuuna ku nuuxnuuxsaday in hadii ay dhacdo in qaxootiga Soomaaliyeed dib dalka loogu soo celiyo iney taasi ka dhalan karto dhibaato baaxad leh oo soo food saartay dadka Soomaaliyeed ee gudaha dalka lagu soo celinayo,isagoona tibaaxay in mar hadii aysan awoodin in dadkaasi ay  ku laabtaan deegaanadii ay markii hore kasoo hayaameen iney dalka gudihiisa ku noqon doonaan barakacayaal.

Dalxa ayaa hadalkan ka dhawaajiyey xili kulan ay shalay ku yeesheen magaalada Mombasa madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya ay isku raaceen in qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan dalkaas dib loogu celiyo gudaha Soomaaliya.

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles