Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Muwaadin Soomaali ah oo u Taagan Doorashada Golaha Deegaanka Magaaladda Mineapolis

$
0
0


Minneapolis [RBC Radio] Cabdi Warsame ayaa noqdey muwaadinkii ugu horeeyey ee Soomaali ah kasoo ku guulestay musharaxa xisbiga dimuquradiga ee talada dalka Marekanka haya ee ugu tartami doona doorashada xildhibaanimada golaha deegaanka magaaladda Minneapolis ee Gobolka minnesota.

 

Cabdi Warsame oo loolan lagaley xubno ka mid ah xisbiga ayaa ku gulestey in uu xisbiga ugu tartamo xildhibaaanimada Golaha deegaanka magaaladda Minneapolis ee Gobolka minnesota.

 

Cabdi Warsame oo Raxanreeb lahadley ayaa sheegey in taarikh ay utahay Soomaalida Marekanka degan in ay qeyb ka noqdan golaha deegaanka Miniyaabulis isagona ku micneyey guul usoo hoyatey shacabka Soomaaliyed oo iyagu horey wax dooran jirey oo kaliya balse sanadkan nasib uheley in iyaga la doorto.

 

Si dookale waxaa uu hadalkisa isgoo siwata intaas ku daray in magaaladda Minneapolis ay ka mid tahay magaaloyinka ugu weyn caalamka oo ay ugu badan yihiin dadka Soomaalida tasina ay sura galin karto sida uu sheegey in uu isaga ku gulesto xildhibaanimada Minneapolis.

 

Ugu danbenti Cabdi Warsame ayaa tilmaamey in wax badan ay wax kabadali karto nolasha shacabka Soomaaliyed ee ku nool dalka Marekanka haddi ay xubin ka noqdaan golaha deegaanka magaaladda Minneapolis ee Gobolka minnesota.

 

Arintaan ayaa waxaa si weyn usoo dhaweeyey Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Miniyaabulis iyagoo ku tilmaamay guul usoo hoyatay iyaga in uu noqdo Cabdi Warsame musharax ka qeyb gali doona doorashada golaha deegaanka Miniyaabulis.
Iimaan Maxamed Jaamac
RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles