Clik here to view.

Dufcada 10-aad ee ka qalanjebisa dugsiga dhexe
Boosaaso[RBC Radio] Xaflad ballaaeran oo Ujeedkeedu ahaa ka gudbida dugsiga dhexe ee Iskuulka Imaamu Nawaawi faraciisa Al-Ridwaan ee magaaladda Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa lagu qabtay isla Xarunta Iskuulkaas.
Waxaa kasoo qeybgalay Xaflada Mas’uuliyiin ka socday Iskuulka Imaaamu Nawaawi,Aqoonyahan,Culuma’udiin,Waxgarad ,Hooyooyin,Dhalinyaro,Macalimiin iyo marti sharaf badan oo Xiiseynaysay Xaflada.
Maamulaha faraca Ridwaan Cabdiqaadir Cali Suleymaan oo xaflada la hadlay ayaa sheegay in marka hore uu kusoo dhaweynaayo Marti-sharafta Xarunta Iskuulka,wuxuuna sheegay in Ujeedkoodu yahay in Jiil Aqoon leh soo saaraan.
Clik here to view.

Maamulaha faraca Ridwaan Cabdiqaadir Cali Suleymaan
…”"” Ujeedkayagu waxa uu yahay in Mustqbal kan ka wanaagsan in la gaaro si Ummada Soomaaliyeed ay u noqdaan kuwa lugahooda isugu taaga oo isugu taaga Cilmi iyo hal-abuur.
Hooyo Sacdiyo Cabdisamad oo afka Waalidiinta ku hadashay ayaa si dareen leh uga sheekeysay dhibaatada Hooyadu kasoo marto Ubadkeeda,waxayna sheegtay in dhibaatadu tahay mid ay ku raadineyso in Ubadkeedu u noqdaan Mustqbalka kuwa afaca dadkooda iyo dalkooda.
Clik here to view.

Shiikh Cabdirisaaq
Shiikh Cabdirisaaq oo kamid ah Culimada ugu waa weyn Puntland ayaa kula dardaarmay ardeyda ka gudubtay dugsiga dhexe una gudubtay dugsiga Sare in ay ku dadaalaan Waxbarashada,wuxuuna ku booriyey iney adeegsadaan Aalada Intetnetka dhanka fiican uga faa’idestaan iyagoo ka tagaya dhanka Xun ee aaladu leedahay,
Prof Maxamed Xareed Cali oo afka Aqoonyahanada ku hadlaayey ayaa sheegay in mudadii uu joogay Boosaaso ku dhex arkay Carruur cay badan,wuxuuna ka codsaday Waalidiinta in Ubadkooda kala dagaalamaan aflagaada xun.
Clik here to view.

Prof Maxamed Xareed Cali
Waxa uu kaga hadlay Khudbadiisa oo dhinacyo badan taabaneysay dhir beerida,Isagoona Waalidiintii kasoo qeybgashay Xaflada ka codsaday in mid walba gurigiisa ku beero geed si bilicda deegaanku u noqdo mid wanaagsan,
Maamulaha Guud ee Iskuulada Imaamu Nawaawi Cabdirixmaan Siciid Muuse (Xaaji) ayaa isna sheegay in ugu horeyn u mahadcelinaayo dadka kasoo qeybgalay Xafladda,wuxuuna sheegay in uu si adkeynaayo Hadalka Prof Maxamed Xareed Cali kana codsanaayo Waalidiinta in Ubadkooda ka waaniyaan aflagaadada xun,isagoona ku booriyey Waalidiinta in dhir beeraan.
Clik here to view.

Maamulaha Guud ee Iskuulada Imaamu Nawaawi Cabdirixmaan Siciid Muuse (Xaaji)
Sidoo kale Mas’uuliyiin ka kala socotay Jaamacadaha,Hay’adda Tadamun iyo marti sharaf kale ayaa sheegay in ay ku faraxsanyihiin Qabsoomida Xaflada,isla markaana ardeyda ka gudubtay dugsiga dhexe u rajeynayaan guul.
Gabagabadii Xafladda ayaa shahaadooyin la gudoonsiiyey Macalimiinta wax ka dhigta Iskuulka,waxaana Wajiyadooda ka muuqatay Farxad.
Si kastaba ardeyda wax ka barata faraca Ridwaan ee Iskuulka Imaamu nawaawi ayaa noqonaya dufcadii 10-aad ee ka gudbta dugsiga dhexe iyagoona u gubaya dugsiga Sare.
Image may be NSFW.Clik here to view.

Clik here to view.

Clik here to view.

Clik here to view.

Clik here to view.

Clik here to view.

Clik here to view.

Clik here to view.

Clik here to view.

Clik here to view.

Clik here to view.

Clik here to view.

Clik here to view.

Clik here to view.

Clik here to view.

________________________________
RBC Radio Xafiiska Boosaaso