Muqdisho(RBC Radio) Munaasabad lagu qabtay Hoteelka City Palace ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa maanta lagu soo bandhigay buug cusub oo ay qoreen dad ajaaanib ah kaasoo ay ku qoran tahay taariikhda magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa waxaa lagu soo bandhigay caasimada Muqdisho,waxaana buugaasi ciwaan looga dhigay “Muqdisho Shalay iyo Maanta” waxaana ku qoran taariikhihii kala duwanaa ee ay soo martay caasimada Muqdisho.
Munaasabada lagu soo bandhigayey buuggan cusub ayaa waxaa goob joog ka ahaa masuuliyiin fara badan oo ka tirsan golaha wasiirada xukuumada Soomaaliya oo ay ka mid ahaayeen wasiirka Khayraadka dalka C/risaaq Cumar Maxamed,wasiiru dowlaha wasaarada arimaha gidaha iyo amniga qaranka xukuumada Soomaaliya Mahdi Maxamed iyo gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarsan.
Buuggan cusub ee ka hadlaya taariikhda faca weyn ee magaalada Muqdisho ayaa ka kooban warbixino iyo sawiro qeexaya goobaha caanka ah ee magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya oo ay ka mid yihiin Taalladii Sayidka,Xaawo Taako,Daljirka dahsoon,Hoteel Curubo,Axmed Gurey oo intooda badan xiligan burbursan kadib markii ay saamayn ba’an ku yeesheen dagaaladii sokeeye ee ka dhacay Muqdisho iyo taariikho ku saabsan marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya.
Maxamuud Axmed Nuur Tarsan gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa uga mahad celiyey qorayaashii shisheeye oo kasoo jeeda dalka Kenya ee isku hawlay qorida buuggan ka hadlaya taariikha magaalada Muqdisho,wuxuuna tilmaamay in bandhigga buuggan hore loogu qabtay magaalooyin dhowr ah oo caalamka ku yaalla,isla markaane uu yahay dhaxal ay leedaha umada Soomaaliyeed.
Wasiiru dowlaha wasaarada arimaha gudaha xukuumada Soomaaliya Mahdi Maxamed Cali ayaa ku buuriyey dadka Soomaaliyeed iney gartaan wanaagii caasimada Muqdisho isla markaane ay u guntadaan sidii loo soo celin lahaa.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho