Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Maamulayaasha Waxbarashada Gobolada Qaar ee Puntland oo Kulan loogu Qabtay Garoowe (Sawirro+warbixin).

$
0
0

Garoowe (RBC RADIO) Kulankan oo ka dhacay Xarunta Gudoonka Waxbarashada ee Gobolka Nugaal ayna iska kaashadeen  Wasaarada Waxbarshada Puntland iyo Hay’ada Care International ayaa wuxuu ku saabsan yahay in Tirakoob lagu sameeyo Waxbarashada gobol ahaan qaasatan  Macalimiinta, Ardayda, iyo agabka iskuul walba uu leeyahay, Macalimiinta iyo maamulayaasha kulankan ka qayb galay waxay ka kala yimaadeen gobolada Mudug, Nugaal ,Sool, iyo Cayn oo ay matalayeen.

 

Jaamac yaasiin Jaamac Wasiir ku xigeenka Waxbarshada Puntland oo furay barnaamijkan wuxuu soo dhaweeyey in tirakoob lagu sameeyaa Waxbarsadha Puntland iyadoo iskuulada laga bilaabayo taasoo uu ku tilmaamay mid horay usoo laba jibaareysa waxbarashada Puntland,wasiirka ayaa macalimiinta ugu baaqay in inta ay tababarkani ku jiraan ay u dhaga nuglaadaan casharada la siinayo si hadhaw wax qabad kooda uu u noqda mid aflaxa oo aan fashilmin.

 

Gobolada harsan ee Puntland ayaa la filayaa in kulankan oo kale Magaalada Bosaaso ee Xarunta Gobolka Bari loogu qabto Macalimiinta Wax ka dhiga Sikuuladaasi iyo Maamulayaashooda qaar ka mid ah si leysu waafajiyo 2da barnaamij, Wasaarada wax barshada ayaa wada indhawaaleba qorshayaal hufan oo kor loogu qaadayo Waxbarashada guud ee Puntland.

 

Ibraahim Wadani

RBC RADIO

Xafiiska Wararka Garoowe.

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles