Jowhar(RBC) Roobab Mahiigaan ah oo in kabadan 20 saacadood oo xiriir ah ka da’ayey degmada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha dhexe ayaa barakiciyey dadkii ku noolaa xaafada Badda Cas ee degmada Jowhar,Xaafadaas ayaa waxaa lasoo sheegayaa iney buux dhaafiyeen biyaha ka dhashay Roobabka lixaadka leh ee magaalada ka da’ayey saacadaha fara badan ee xiriirka ah.
Intii badneed dadkii ku dhaqnaa Xaafada Badda Cas ayaa ka cararay guryahooda si ay uga badbaadaan daadka faraha badan ee ka dhashay Roobabka kaasoo lasoo sheegayo inuu la tagay guryo fara badan oo ku yaalla dhanka galbeed ee magaalada Jowhar ee xarunta gobolka shabeelaha dhexe.
Qaar kamid ah dadka ku dhaqan xaafadaas ayaa ku waramay in Biyuhu ay qaadeen guryo fara badan,waxayna sidoo kale tilmaameen in hanti badan ku waayeen Daadadka ka dhashay Roobabka oo ahaa kuwo aad u xooganaa.