Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Saaka U Ambabaxay Mombaasa, Kenya Iyo Saraakiisha Raskambooni oo Wadahadal Culus Ku Yeelanaya Halkaasi

$
0
0

Muqdisho (RBC) Waxaa goordhow garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ka dhoofay madaxweynaha dawlada federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo xubno ka mid ah xarunta madaxtooyada.

Sida uu soo sheegayo wariyaha Raxanreeb, waxaa madaxweyne Xasan Sheekh oo wata diyaarad gaar ah uu u dhoofay magaalada Mombaasa ee wadanka Kenya.

Madaxweynuhu kama hadlin ujeedada socdaalkiisa hase yeeshee agaasimaha madaxtooyada Villa Soomaaliya ayaa idaacadda dawlada saaka u sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh uu magaalada Mombaasa kula kulmi doono madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo ay ka wada hadli doonaan arrimo khuseeya labada wadan, sida uu yiri.

Kulanka Mombaasa

Ilo wareed u waramay Raxanreeb ayaa sheegaya in madaxweynuhu magaalada Mombaasa kula kulmayo saraakiil ka tirsan maamulka magaalada Kismaayo iyo ururka Raskambooni.  Sheekh Axmed Madoobe oo hadda ku sugan Nairobi ayaa la sheegayaa inuu isaguna halkaasi maanta gaari doono.

Ma cadda sababta loo doortay in kulanku ka dhaco magaalada Mombaasa iyo doorka dawlada Kenya.

Waxaa la qorsheynayaa in wadahadalkii ugu horeeyay oo toos ah uu dhexmaro maamulka Kismaayo iyo madaxweyne Xasan Sheekh iyadoo dawlada Kenya masuuliyiin ka socota ay goobjoog ka yihiin.

Wadahadalka Mombaasa ayaa ah kii ugu horreeyay ee noociisa ah oo dibadda ka dhaca oo toos u dhexmara madaxweynaha federaalka Soomaaliya iyo maamulka Kismaayo.  Arrinta ugu weyn uguna culus ayaa ah shirka Kismaayo oo ay dawladu dooneyso in lagu soo wareejiyo maamulkiisa.

Mid ka mid ah xubnaha Raskambooni oo ku sugan Kismaayo oo xaqiijiyey kulanka ayaa Raxanreeb u sheegay inay u badan tahay in iyaga iyo dawlada ay isfahmaan.

 

RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles