Kampala(RBC Radio) Dowlada wadanka Uganda ayaa sheegtay iney ka feejiganta weeraro kaga yimaada Islaamiyiinta Soomaaliya ee alshabaab ee bah wadaagta la ah urur weynaha Al-qaacida,afhayeenka booliska wadanka Uganda ayaa daboolka ka qaaday iney heleen digniino tilmaamaya weeraro argagixiso oo dalkaas ay ka geystaan kooxda alshabaab ee dalka Soomaaliya ka dagaalanta.
Booliska dalka Uganda ayaa sheegay iney heleen warar sirdoon ah oo sheegaya in alshabaab ay damacsan yihiin iney goobaha halbowlaha u ah dalkaas ee bulshadu ay iskugu timaado iney qaraxyo ka geystaan,waxayna tilmaameen iney ka feejigan yihiin weeraradaas.
Dowlada Uganda ayaa sheegtay in laamaha sirdoonka iyo booliska wadankaas ay iska kaashanayaan ka hortagi weerarada laga baqdin qabo in alshabaab ay ka geystaan gudaha dalkaas,waxayna tilmaameen iney ciidamo badan oo xoojin ah geeyeen goobaha faras magaalaha ee Caasimada Kampala.
Dalka Uganda ayaa ah dalkii ugu horeeyey ee ciidanka hawlgalka AMISOM usoo dira Soomaaliya,waxaana Uganda Soomaaliya ka jooga ciidamada ugu badan ee hawlgalka AMISOM.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho