Nairobi(RBC Radio) Dowlada cusub ee dalka Kenya ayaa shaaca ka qaaday siyaasadeeda ku aaddan dalka Soomaaliya madaxweynaha dhawaan loo dhaariyey xilka madaxweynenimo ee dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in siyaasada dowladiisa cusub ee dalka deriska ee Soomaaliya ay tahay mid ku dhisan iskaashi iyo deris wanaag dhex marta labada dal.
Kenyatta ayaa daboolka ka qaaday in Kenya ay u taagan tahay taageerida shacabka iyo dowlada Soomaaliyeed si ay Soomaaliya uga baxdo dhibaatooyinka dabada dheeraaday ee ay mudada dheer kusoo jirtay,wuxuuna ballan qaaday iney sii wadi doonaan taageerada ay Kenya siiso Soomaaliya.
Madaxweyne Kenyatta ayaa sheegay in ciidamadiisa qaybta ka ah hawlgalka AMISOM ee wadamada Midowga Afrika iney sii wadi doonaan sugida amniga dalka Soomaaliya ,wuxuuna ku nuuxnuuxsaday iney ka go’an tahay dowladiisa iney si dhab ah isku barbar taagto dowlada Soomaaliyeed oo halgan ugu jirta soo celinta hannaankii dowladnimo ee dalka.
Uhuru Kenyatta madaxweynaha cusub ee dalka Kenya ayaa ugu baaqay beesha caalamka iney garab buuxa siiyaan dowlada Soomaaliya si ay Soomaaliya mar kale cagaheeda isugu taagto ugana baxdo colaadaha iyo sharci la’aanta dalka ku baahday 20-kii sano ee ina dhaafay.
Dalka Kenya ayaa ciidankiisa usoo diray dalka Soomaaliya si ay ula dagaalamaan alshabaab oo ay sheegeen iney qatar ku yihiin amniga gudaha Kenya,waxayna markii danbe ku biireen hawlgalka AMISOM.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho