New York (RBC) Wasiirka Arrimaha Dibadda Ethiopia Tedros Adhanom ayaa golaha amaanka ee Qaramada Midoobay in ka bixitaankii ciidamadooda ee degmada Xudur ay ku wargeliyeen sida uu sheegay dhinacyada ay khuseyso arrintaasi.
Wasiirka ayaa sheegay in dawlada Ethiopia ay la xiriirtay dawlada Soomaaliya iyo taliska ciidamada AMISOM balse ay ku guuldareysteen inay ciidamada Ethiopia ka bedelaan.
“Ethiopia keligeed kuma filna inay difaacdio gobollada koonfur galbeed Soomaaliya oo dhan.” ayuu yiri Adhanom.
Dhanka kale wasiirka arrimaha dibadda Ethiopia ayaa golaha amaanka Qaramada Midoobay u sheegay in dawlada Ethiopia aysan heysan dhaqaale ay ku bixiso ciidamada tirada badan ee ka jooga gudaha Soomaaliya iyadoo uu sheegay in AMISOM aysan wax dhaqaale ah ka helin Ethiopia.
Arrintan ayaa ku soo beegmeysa maalmo kadib markii raysul wasaraaha Ethiopia Haelmariam uu shaaca ka qaaday in dawlada Ethiopia ciidamadeeda ka qaadaneyso Soomaaliya, walow afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda Ethiopia uu sheegay in ayssn jirin deg deg ciidamo ay uga saarayaan Soomaaliya.
Hailemariam Desalegn ayaa hadalkan u sheegay baarlamaanka Ethiopia oo uu hadal u jeediyey Talaadadii, isagoo dhaliilay hawlgalka AMISOM ee Soomaaliya ku sugan iyo dawlada federaalka Soomaaliya oo uu sheegay inay mudo sanad ah ku guuleysan waayeen inay ciidamada Ethiopia kala wareegaan amaanka goobaha ay ciidamadooda joogaan.
RBC Radio