Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Maamulka gobolka Galgaduud oo shaaca ka qaaday iney alshabaab ka saarayaan deegaanada ay gobolkaas kaga sugan yihiin

$
0
0

Dhuusamareeb(RBC Radio) Maamulka gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegay iney qorsheynayaan dagaal ay alshabaab ku qaadaan si ay uga sifeeyaan deegaanada ay kaga sugan yihiin gobolka Galgaduud gudoomiyaha maamulka gobolka Galgaduud Axmed Yuusuf Ciyow ayaa shaaca ka qaaday iney duulaan ku yihiin deegaanada ay ka arimiyaan alshabaab ee gobolkaas.

Gudoomiye Ciyow ayaa daboolka ka qaaday inuu soo dhamaaday diyaargarow ay in muddo ah ugu jireen sidii ay alshabaab uga si feyn lahaayeen degmooyinka iyo deegaanada Galgaduud ee ay wali ku sugan yihiin,wuxuuna ku celceliyey in shacabka laga dulqaadi doono dhibaatada ay alshabaabku ku hayaan sida uu tilmaamay.

Wuxuuna ku eedeeyey alshabaab iney shacabka ku yihiin caqabad weyn oo u baahan in bulshada laga dulqaado,Ciyow ayaa sheegay in alshabaab ay diideen in shacabka deegaanada ay ka arimiyaan loo fidiyo gurmad kadib markii ay ku dhufatay abaar ba’an,wuxuuna ku tilmaamay iney yihiin arxan laawayaal aan u naxayn shacabka Soomaaliyeed.

Gudoomiyaha gobolka Galgaduud ayaa intaa ku daray in alshabaab ay si xoog ah ku dhacaan xoolaha dadka ku dhaqan deegaanada ay ka arimiyaan,wuxuuna hoosta ka xariiqay iney si deg deg ah shacabka dhibaatada alshabaab uga dulqaadi doonaan.

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles