Muqdisho(RBC Radio) Shirkii Labaad ee gudiga isku dhafka ah ee arimaha amniga dalka Soomaaliya ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya shirka ayaa waxaa ka qayb galaya dowlada Soomaaliya,wadamada ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya ee Uganda,Brundi,Ethiopia,Kenya iyo Jabuuti,waxaana sidoo kale qayb galaya shirka safiirada wadamada reer galbeedka u fadhiya Soomaaliya iyo saraakiil Mareykan iyo Ingiriis ah.
La taliyaha madaxweynaha Soomaaliya dhanka siyaasada Aweys Xaaji Yuusuf oo warbaahinta hadal kooban siiyey ayaa ka warbixiyey ujeedka shirka wuxuuna tilmaamay in shirkan uu yahay mid diirada lagu saarayo arimaha amniga dalka Soomaaliya.
La taliyaha madaxweynaha ayaa intaa ku daray in shirku uu socon doono 7 cisho oo xiriir ah ,wuxuuna tibaaxay in shirkaas looga arinsanayo sidii wadamada ay ciidamadu ka joogaan gudaha Soomaaliya ay usii adkeyn lahaayeen amniga dalka Soomaaliya.
Gudigan isku dhafka ah ee amaanka Soomaaliya oo ay ka mid yihiin dalalka ciidamadu ka joogaan Soomaaliya, wadamada daneeyaha arimaha Soomaaliya ee dhaqaalaha ku bixiya hawlgalka AMISOM ee Soomaaliya iyo dowlada Soomaaliya ayaa waxaa la filayaa iney ka doodaan inta uu shirku socdo waxa ka hirgalay go’aanadii shirkan kii ka horeeyey ay gudigu so saareen iyo talooyin cusub oo ku saabsan sidii loo xoojin lahaa amniga Soomaaliya,waxaana lagu wadaa in marka uu soo gabagaboobo laga soo saari doono qodobo la xiriira amniga Soomaaliya.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho