Jigjiga (RBC) Allaah ha u naxariistee Abwaankii Soomaaliyeed Cabdullaahi Macalin Dhoodaan ayaa saaka ku geeriyoday isbitaal ku yaalla magaalada Harar halkaasoo uu beryahan ku xannuunsanaa.
Geerida Abwaanka ayaa waxaa xaqiijiyey masuuliyiinta maamulka deegaanka Soomaalida ee Ethiopia iyo xubno qoyskiisa ah oo ku sugan magaalada Jigjiga.
Allaah ha u naxariistee Abwaanka ayaa mudooyinkan xannuun awgiis loo jiifiyey isbitaalla magaalada Harar, waxaana uu ugu dambeyntii ku geeriyooday saaka aroortii.
Abwaanka waxaa uu ka mid ahaa abwaanada Soomaalida ee maahirka ku ah curinta maansooyinka gaar ahaan gabayga oo uu afka Soomaaliga si weyn ugu rogrogi jiray.
Wuxuu k a mid ahaa halabuurkii Soomaalida ee badankood hadda wada geeriyoodeen ee gabayada talooyinka, waanada iyo wax tusaaleynta u jeedin jiray dadka Soomaaliyeed ee dhibaatooyinka badan ku habsadeen.
Sida ay eheladiisu sheegeen aaska marxuumka ayaa kadhici doonaa isla deegaanka.
Rabbi ha u naxariisto Abwaan Cabdullaahi Macalin Dhoodaan qoyskii uu ka baxayna samir iyo iimaan Alle haka siiyo.
RBC Radio