Muqdisho (RBC) Koox hubeysan ayaa caawa fiidkii degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho ku toogatay kaaliyihii Garyaqaanka Guud ee Dawlada Soomaaliya Axmed Maalin Sheekh Nuur xilli uu ka soo baxay masjid uu ku soo tukaday salaada Maqrib, sida ay sheegeen dad deegaanka ah.
Allah ha u naxariistee Marxuumka ayaa lagu toogtay agagaarka hotelka Ramadaan ee degmada Yaaqshiid halkaasoo uu deganaa.
Kooxda dilka geystay ayaa markiiba goobta ka baxsatay iyagoo aan la qaban.
Meydka marxuum Axmed Maalin Sheekh Nuur ayaa waxaa goobta ka soo qaaday xubnaha qoyskiisa.
Maamulka degmada Yaaqshiid iyo booliska weli kama hadlin dilka caawa ka dhacay degmada Yaaqshiid.
Dilkan ayaa noqonaya midkii labaad oo toddobaadkan gudihiisa ka dhaca magaalada Muqdisho. Axadii la soo dhaafay ayaa kooxo hubeysan waxay degmada Dharkeenley ku dileen Allaah ha u naxariistee wariye Maxamed Ibraahim Raage oo ka tirsanaa idaacadda iyo telefishanka dawlada mana jirto cid illaa hadda loo qabtay dilkiisa.
RBC Radio