Boosaaso[RBC Radio] Waxaa maanta lasoo gaarsiiyey Isbitaalka guud ee magaaladda Boosaaso Qalab Caafimaad oo ay baahi- weyn u qabtay Bulshada ku dhaqan Magaaladda.
Ururka Somalia Maternal and Child Health Foundation oo Qalabkaan Caafimaad ku Wareejiyey Madaxda Isbitaalka Boosaaso ayaa Madaxa Ururka Drs Idil Maxamuud Jaamac,waxay sheegtay in Qalabkaan looga faa’ideysan doono baahiyaha Isbitaalka ka jira.
Halkaan ka Dhageyso Codka Drs Idil Maxamuud Jaamac Guji Halkan
….”"” Waxaa farxad weyn maanta i ah anigoo magacaygu yahay DRS Idil Maxamuud Jaamac kana shaqeyn jiray muddo yar Isbitaalka magaaladda Boosaaso,waxaa farxad i ah inaan Qalab bixiyo ayna iga Caawiyeen dad Saaxiibadey ah oo Cadaan ah,Joogana Newsland….”"”"ayey tiri.
Drs Idil Maxamuud Jaamac ayaa xustay in Qalabkaan uu ka koobanyahay adeegyo Caafimaad oo kala duwan isla markaana bulshada ku dhaqan magaaladda si weyn uga faa’ideysan doonaan,waxayna isugu jiraan bey tiri.:
O1. Qalab looga Hortagayo dhimashada dhalaanka iyo Hooyada si weyna ay uga aa’ideysan doonaan Carruurta yaryar.
02. Qalab wata Ogsajiin,lagula tacaalayo si qofka nolol loogu soo celiyo,
03. Qalab lagula tacaalayo laguna Ogaanayo Xaaladda qofka Xanuunsan iyo Qabab kala duwan oo muhiim u ah Bukaan jiifka.
Agaasimaha Guud ee Isbitaalka Boosaaso Dr Cabdullaahi Siciid Awmuse ayaa isna sheegay in Qalabkaan Caafimaad sida uga haboon uguna fiican uga faa’ideysan doonaan,wuxuuna mahad ballaaran usoo Jeediyey Dr Idil oo qudheedu muddo kooban ka shaqeyneysay Isbitaalka Boosaaso.
Halkaan ka Dhageyso Dr Cabdullaahi Siciid Aw-Muuse Guji Halkan
Nabadoon Cabdiqaadir Ibraahim Xarago ayaa ku tilmaamay Drs Idil Af-balaar qof ku datasho mudan isla markaana haboon in lagu daydo Waxqabadka bulshadeeda ay kula garabtaagan tahay.
Halkaan ka Dhageyso Codka Nabadoon Cabdiqaadir Ibraahim Xarago Guji Halkan
Tallaabadan ay qaadey Drs Idil Maxamuud Jaamac oo dhakhtarad ka ahayd Isbitaalka Boosaaso ayaa noqoneysa mid dhiiri-gelisa dadka reer Puntland dal iyo dibadba,waxaana si weyn u soo dhaweeyey bulshada Boosaaso.
___________________________
Cismaan Turaabi
RBC Radio
Xafiiska Boosaaso