Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Taliyaha Booliska Somaliland iyo Ururka Suxufiyiinta ee SOLJA oo ka hadlay Ciidan weeraray Wargeyska Hubaal

$
0
0

Hargeysa(RBC):- Taliyaha Booliska Somaliland Sarreeye guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan, ayaa galabta ka hadlay Askar ka tirsan ciidanka ammaanka oo xalay weerar ku qaaday xarunta Wargeyska madaxa-bannaan ee Hubaal oo ka soo baxa magaalada Hargeysa, waxaanu sheegay inay gacanta ku hayaan mid ka mid ah dembiilayaasha falkaa ku kacay.

Taliyaha Booliska Somaliland waxa uu sheegay inay Ciidanka ammaanku gacanta ku hayaan mid ka mida laba Askari oo xalay weerar hubaysan ku qaaday xarunta Wargeyska Hubaal, kuwaasoo dhaawac u geystay Guddoomiyaha Wargeyskaas Maxamed Axmed Jaamac (Caloolay). Taliyuhu wuxu ku dooday inay baadhitaan ku wadaan ninkaa Booliska ka tirsan ee ka qayb-qaatay falka hubaysan ee lagu weeraray Wargeyska Hubaal.

Waxa uu Taliye Cabdillaahi Fadal Iimaan, sheegay inay dalalka dunida oo dhan ka dhacaan dembiyo ay galaan Askar Booliska ka tirsani, hase-yeeshee, isweydiintu tahay maxaa laga qabtay. “Xalay markii abbaaro 12:00-kii habeennimo uu Booliska soo gaadhay warka sheegaya in xarunta Wargeyska Hubaal la weeraray ninkii ay shaqaalaha Wargeysku qabteen waa  la soo qaaday oo waxay Boolisku ku soo xidhay Saldhigga dhexe ee magaalada Hargeysa.” Sidaa ayuu yiri Taliyaha Booliska Somaliland.

Taliyaha Booliska Cabdillaahi Fadal Iimaan waxa uu intaa ku sii daray oo uu yiri; “Qof Booliska ka tirsani dembi wuu geli karaa, laakiin su’aashu waxay tahay maxaa laga qabtay? Waxaan idiin sheegayaa in labada nin ee falkaa weerarka ah ku qaaday xarunta Wargeyska mid ka mid ah gacantaannu ku haynaa, waana la baadhayaa. Ninka baxsadayna ciidanku way ku daba-jiraan oo gacantaa lagu hayaa baadhistiisa.”

Geesta kale, Guddoomiye Ku-xigeenka iyo Xoghayaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Maxamed Cabdi Curad iyo Maxamed-rashiid Muxumed Faarax , iyaguna shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hareysa, ayaa cambaareeyey weearka hubaysan ee xalay lagu qaaday xarunta Wargeyska Hubaal, taasoo ay ku tilmaameen tallaabo fool-xun oo waxiish-nimo ah oo ay aad uga xun yihiin.

Waxay Masuuliyiinta Ururka SOLJA sheegeen in weerarkani yahay kii ugu horreeyey ee ay Askar hubaysan oo Booliskii ammaanka masuulka ka ahaa ku qaadaan xarun Wargeys madax-bannaan ee Somaliland ka dhaca. Waxaanay Hay’adaha baadhista iyo garsoorka u soo jeediyeen inay baadhitaanka ay wadaan natiijo fiican oo lagu qancso si dhaqso ah uga soo saaraan ninka ay gacanta ku hayaan, ka maqanna soo qabtaan oo si caddaaladda waafaqsan sharciga loo horkeeno.

RBC Radio

Xafiiska wararka ee Hargeysa.

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles