Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

KISMAAYO: Beelo Ku Shiray Kismaayo Iyo Labo Oday Dhaqameed oo Raxanreeb La Soo Xiriiray (Faahfaahin)

$
0
0

Kismaayo (RBC) Sida ay Raxanreeb u sheegeen odayaal beeleed ku sugan magaalada Kismaayo waxaa maanta shir magaalada ku yeeshay odayaal iyo siyaasiyiin ka soo jeeda beelo ka tirsan Hawiye, Daarood, Dir iyo Digil iyo Mirifle kuwaasoo sheegay in la weeciyey qabkii shirka ka socda Kismaayo uu u socday isla markaana dhaliilo u jeediyey masuuliyiinta wada shirka.

Haddaba shirkaasi markii uu dhacay kadib ayaa waxaa Xafiiska Raxanreeb ee Muqdisho la soo xiriiray Col. Cabbaas Maxamed Caddow oo ka soo jeeda mid ka mid ah beelaha shirka maanta ka dhacay Kismaayo ka qeybgalay.

Col. Cabbaas ayaa wuxuu sheegay in beelaha shirka maanta isugu yimid ay caddaalad darro ka tirsanaayaan shirka ka socday Kismaayo iyagoo eedeyna u jeediyey ciidamada Kenya ee ku sugan gobolka oo ay sheegeen in beel gaar ah ay la safteen, sida uu ku doday Col. Cabbaas.

“Annaga haddaanu nahay beelaha maanta isugu yimid salaadiintooda iyo odayaashooda ee leh Dir, Daarood, Hawiye, Jareer Weyne, Digil iyo Mirifle intaasoo deegaankaan u dhashay waxaan cadeyneynaa inaan ka qeybgali doonin shir iyo doorasho ka dhacaysa Kismaayo.” ayuu yiri Cabbaas Maxamed Caddow.

Dhanka kale waxaa Shabakada Raxanreeb isaguna la soo hadlay Suldaan Xuseen Naaleeye oo ka mid ah odayaasha shirka ka dhacay Kismaayo ka qeybgalay, wuxuuna sheegay in beelaha maanta shiray ay dawlada Soomaaliya ka codsanayaan inay soo farageliso wax uu ku sheegay dhibaato ka jirta gobolka Jubbada Hoose.

“Saddex nin oo hal beel ah ayaa raba inay keligood sheegtaan deegaanka, haddaan nahay beelaha Jubbada Hoose annaga ma rabno dhibaato, dawlada waxaan ka cosaneynaa inay arrintan wax ka qabato.” ayuu yiri Suldaan Naaleeye.

“Ciidanka aKenya ee Amisom dhexdhexaad haka noqdeen arrinta Kismaayo.” ayuu sii raaciyey Suldaan Naaleeye hadalkiisa.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay masuuliyiinta shirka Kismaayo, inkastoo aan isku daynay inaan la hadalno guddoomiyaha maamulka Kismaayo Sheekh Axmed Madoobe ayaa haddana waxaa xogheyntiisa ay noo sheegtay inuu aad u mashquulsan yahay.

Sidoo kale saraakiisha ciidamada Kenya oo qeyb ka ah ciidamada AMISOM ayaan iyaguna wax war ah ka soo saarin eedeynta uga timid odayaal beeleedka maanta Kismaayo ku shiray.

 

RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles