Addis Ababa (RBC) Dawlada Ethiopia ayaa iska diiday wararka sheegaya in raysul wasaaraha wadankaasi uu sheegay in ciidamada Ethiopia oo dhan laga soo saarayo Soomaaliya iyadoo eedeyn uu u jeediyey dawlada federaalka Soomaaliya iyo ciidamada AMISOM.
Wakaaladda wararka Reuters ayaa shalay tebisay in raysul wasaaraha Ethiopia Hailemariam Desalegn uu shaaca ka qaaday in si dhakhso leh in dhammaan ciidamada Ethiopia ka jooga gudaha Soomaaliya ay ka soo baxayaan, isla markaana ciidamadiisu ay ku soo laabanayaan soohdinta.
Hailemariam Desalegn ayaa hadalkan u sheegay baarlamaanka Ethiopia oo uu hadal u jeediyey Talaadadii, isagoo dhaliilay hawlgalka AMISOM ee Soomaaliya ku sugan iyo dawlada federaalka Soomaaliya oo uu sheegay inay mudo sanad ah ku guuleysan waayeen inay ciidamada Ethiopia kala wareegaan amaanka goobaha ay ciidamadooda joogaan.
Haddaba waxaa arrintaasi ka hadlay afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Ethiopia Dana Mufti oo sheegay inay been tahay wararka sheegaya in raysul wasaaraha Ethiopia uu sheegay inuu ciidamada ka soo saarayo Soomaaliya.
“Raysul wasaaraha wuxuu sheegay in ciidamada Ethiopia ay ahayd in laga bedelo goobaha ay joogaan loona bedelaa meelaha amni ahaan aadka loogu baahan tahay.” ayuu yiri afhayeenka.
“Marnaba ma uusan dhihin si buuxda ayaan uga baxaynaa.” ayuu sii raaciyey.
AMISOM oo hadashay
Dhanka kale afhayeen u hadlay hawlgalka AMISOM Eloi Yao oo la hadlay idaacadda VOA ayaa sheegay in AMISOM aysan helin wax farriin ah oo sheegaya in ciidamada Ethiopia ay hadda baxayaan.
Afhayeenkaasi wuxuu sheegay in had iyo jeer hawlaha militariga ay ku socdaan qorshe lana bedeli karo marka loo fiiriyo xaalada jirta, ayuu sheegay.
Warka ka soo yeeray dawlada Ethiopia ayaa yimid maalin kadib markii warbaahinta adduunku shaacisay in Ethiopia ay ku dhawaaqday in ciidamadeeda ay kala baxayso Soomaaliya, iyadoo raysul wasaaraha Ethiopia uu ku cawday in dhaqaalaha ku baxa ciidamada ka jooga Soomaaliya ay iyaga iska bixiyaan oo aysan jirin wax AMISOM iyo caalamka ka soo gaara.
RBC Radio