Beledweyne (RBC) Taliska booliska gobolka Hiiraan ayaa maanta sheegay in dhowr ruux loo qabqabtay weerar bambaano oo shalay lala beegsaday saldhiga booliska ee Beledweyne kaasoo sababay dhimshada nin dhalinyaro ah oo ka shaqeynayey maqaayad ku taalla bannaanka saldhiga iyo dhaawaca ruux kale.
Taliyaha saldhiga booliska magaalada Beledweyne Col. Cali Dhuux Mahad Alla ayaa shaaca ka qaaday in dadka la qabtay ay yihiin dad la tuhunsan yahay kuwaasoo baaritaan lagu hayo haddii wax lagu waayana la siideyn doono.
Taliyuhu wuxuu sheegay inay jiraan dad kale oo lagu raadjoogo oo iyaguna aad loo tuhunsan yahay kuwaasoo uu sheegay in ciidamadu soo qaban doonaan.
Ciidamada booliska ee magaalada Beledweyne iyo kuwa Jabuuti ayaa shalay baaritaan ka sameeyayxaafado ku dhow dhow saldhiga booliska markii uu qaraxu dhacay kadib iyagoo xiray dhowr ruux oo la tuhunsan yahay.
Qaraxa bambada oo shalay galabnimadii lala beegsaday saldhiga booliska oo magaalada Beledweyne dhexdeeda ku yaalla ayaa ku dhacay meel bannaanka saldhiga ah halkaasoo ay ku taallo maqaayad shaaha laga cabo. Waxayna bambadaasi sababtay in nin dhalinyaro ah oo maqaayada ka shaqeynayey uu ku geeriyoodo ruux kale oo goobta joogayna uu ku dhaawacmo.
Amaanka magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa soo hagaagayey muddooyinkan dambe waxaana mararka qaar dhaca weeraro bambooyin gacanta laga tuuro oo lala beegsado xarumaha magaalada qaarkood.
Bishii hore ayaa nin dhalinyaro ah oo bambo ku tuuray saldhiga la qabtay kadib markii ay meel cidla ah ku dhacday bambadii uu tuurey.
RBC Radio