Muqdisho (RBC) Raysal wasaaraha xukuumada Soomaaliya Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid ayaa maanta kormeer ku tagay xeryo dhowr ah oo ay leeyihiin ciidamada Xooga Dalka oo ku yaalla magaalada Muqdisho.
Xeryaha uu R/wasaarahu gaaray ayaa waxaa kamid ah xerada ciidamada milateriga dowlada Soomaaliya ay ku leeyihiin deegaanka Jasiira ee duleedka magaalada Muqdisho.
Wasiirka koowaad ee xukuumada Soomaaliya Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid oo hadal u jeediyey boqolaal askari oo ka tirsan milateriga dowlada Soomaaliya oo ku jira xerada ciidanka ee ku taalla ee dagaanka Jasiira ayaa ku booriyey iney ciidamadu u adeegaan danaha umada Soomaaliyeed.
Cabdi Faarax Shiirdoon Raysal wasaaraha dalka ayaa u sheegay ciidamada qalabka sida iney yihiin xoogii dalka iyo dadka Soomaaliyeed isla markaane looga fadhiyo difaaca iyo ilaalinta xuquuqda shacabka Soomaaliyeed ee ay xoogga u yihiin.
Raysal wasaaraha ayaa sidoo kale booqday qaar ka mid ah saldhigyada ciidamada booliska Soomaaliyeed ay ku leeyihiin degmooyinka gobolka Banaadir,wuxuuna u kuurgalayey sida ay tahay xaaladaha ciidamada dowlada ee ku jira xeryaha uu booqday,dowlada Soomaaliya ayaa hore u sheegtay iney ahmiyad gaara siineyso dib u dhiska ciidamada xoogga dalka si ay u hantaan sugida amniga dalka Soomaaliya oo ay hada gacanta ku hayaan ciidamo shisheeye oo ka socda wadamada Afrika.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho