Muqdisho (RBC) Guddoomiyaha baarlamaanka federaalka Soomaaliya Maxamed Cismaan Jawaari ayaa sheegay in madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu hor iman doono baarlamaanka bisha soo socota si uu su’aalo uga jawaabo.
Guddoomiyaha baarlamaanka oo la hadlayay xildhibaanada baarlamaanka markii uu soo dhammaaday kulan la baajiyey oo baarlamaanku yeelan lahaa maalintii shalay [Talaadada] ayaa sheegay in madaxweynuhu baarlamaanka u iman doono 2-da bisha May 2013 isla markaana baarlamaanka uga hadli doono su’aalaha ay qabaan.
“Xildhibaanada waxaan u sheegayaa inay isu diyaariyaan madaxweynaha oo hor iman doona baarlamaanka 2-da bisha May.” ayuu yiri guddoomiyaha oo la dardaarmay xildhibaanada maalintii shalay.
Guddoomiye Jawaari wuxuu sheegay in madaxweynuhu diyaar u yahay inuu ka hadlo dhammaan arrimaha ay qabaan xildhibaanada sida heshiiskii Ankara ku dhexmay dawlada federaalka iyo maamulka Somaliland.
Waxaa kaloo madaxweynuhu ka hadli doonaa arrimo badan oo ku saabsan siyaasadda dalka.
Dhawaqa guddoomiyaha baarlamaanka ayaa yimid xilli mudanayaasha baarlamaanka ay su’aalo badan ka qabeen heshiiskii Turkiga ee dhexmaray dawlada Soomaaliya iyo maamulka Somaliland iyadoo qaar ka mid ah mudanayaasha ay dhowaan sheegeen inay mooshin ka keeni doonaan heshiiska Turkiga ka dhacay.
Wararka qaar ayaa sheegaya in madaxweynuhu kulanka labada bisha dhacaya uu isagu doortay uuna kala soo hormaray ka hor inta aysan u yeerin mudanayaasha baarlamaanka.
RBC Radio