Dhuusamareeb(RBC Radio) Culima udiinka ahlu sunna waljamaaca ayaa ka dalbaday dowlada Soomaaliya iney awoodeeda ku baahiso gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya gudoomiyaha golaha fulinta culima udiinka ahlu sunna waljamaac Cabdi Cali Fiidow ayaa ka codsaday dowlada Soomaaliya iney si rasmi ah uga hawlgasho gobolka Galgaduud oo dhamaan ay ka maqan yihiin adeegyadii aas aasiga ahaa ee bulshada.
Fiidow ayaa ka codsaday R/wasaaraha xukuumada Soomaaliya Cabdi Faarax Shiirdoon in dowladu ay si dhab ah ay awoodeeda usoo gaarsiiso gobolka Galgaduud oo uu sheegay in dowladihii hore ee kumeelgaarka ahaa aysan waxba ka qaban gobolka,wuxuuna sheegay in gobolka ay ka jirto dhibaatooyin fara badan wuxuuna tibaaxay in gobolka ay ku yaryihiin adeegyada Caafimaadka,Waxbarashada,Biyaha iyo Adgeegyada kale ee shacabku u baahan yahay.
Cabdi Cali Fiidow gudoomiyaha golaha fulinta ahlu sunn ayaa sidoo kale ka codsaday dowlada Soomaaliya iney ahlu sunna gacan ka siiso sugida amniga deegaanada ay ka maamusho ahlu sunna Galgaduud iyo sidii ay alshabaab uga saari lahayd deegaanada ay kaga sugan yihiin Galgaduud.
R/wasaaraha Soomaaliya ayaa isne dhankiisa hoosta ka xariiqay inuu indhihiisa ku arkay xaalaaha liita ee la xiriira arimaha bulshada ee ka taagan gobolka Galgaduud wuxuuna ballan qaaday in dowlada Soomaaliya ay sid deg deg ah uga jawaabi doonto.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho