Dooxa(RBC Radio) Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Xasan Sheekh Max’uud ayaa mar kale ka dhawaajiyey in dowladiisu ay diyaar u tahay wadahadal ay la yeelato xubnaha ururka alshabaab Madaxweynaha oo ku sugan magaalada Dooxa ee xarunta wadanka Qadar ayaa sheegay iney dowladiisu ay soo dhaweyneyso wada hadal ay la gasho alshabaab.
Xasan Sheekh Max’ud madaxweynaha Soomaaliya oo u waramayey wakaalada wararka u faafisa dalka Qadar ee Qana madaxweynaha ayaa tibaaxay in inta badan dhalinta u dagaalama ururka alshabaab ay ugu biireen dano dhaqaale wuxuuna ballan qaaday in dowladiisu ay dhalintaas u fidineyso cafis isla markaane ay kasoo saaeayaan alshabaab.
Madaxweyne Xasan Sh ayaa meesha ka saaray wada hadal ay la yeeshaan hogaamiyaaha ajaanibta ah ee ka tirsan ururka alshabaab wuxuuna tilmaamay inaan wax wada hadal ah uusan ka dhaxay Jaanibta iyo dowlada Soomaaliya mana jirto wax naga dhexeeya ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh oo hadalkiisa sii wata.