Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Cabdi salaan Hadliye:Soomaaliya wey iska bixin kartaa Deymaha lagu leeyahay hadii la helo hal arin

$
0
0

 

Washington(RBC Radio) Gudoomiyaha bangiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ka warbixiyey ahmiyada ay Soomaaliya u leedahay aqoonsiga ay ka heshay hay’adda lacagaha adduunka ee IMF,CabdiSalaan Hadliye oo ah gudoomiyaha bangiga dhexe ee dalka Soomaaliya oo ku sugan magaalada Washington ayaa tibaaxay in Soomaaliya aysan awood u lahayn xiligan iney lacago amaah ah weydiisato IMF iyo Bangiga adduunka.

Wuxuuna u aaneeyey in dalka Soomaaliya lagu leeyahay lacago deyn ah oo kor u dhaafaya 352 Milayn oo doolar,ilaa ay Soomaaliya iska bixiso lacagahaas faraha badan ee lagu leeyahay ineysan fursad u heleen lacago hor leh oo ay ka hesho hay’adda lacagaha adduunka ee IMF.

Hadliye ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya ay ka fekereyso sidii ay lacagaha lagu leeyahay iskaga gudi lahayd si ay u hesho lacago uga hesho IMF,wuxuuna tilmaamay in dowlada Soomaaliya ay aamisan tahay iney iska bixin karto lacagaha lagu leeyahay hadii hay’adaha deeqaha bixiya iyo bangiga Islaamku uu lacago ugu deeqo Soomaaliya si ay iskaga gudo deymaha faraha badan ee lagu leeyahay.

Gudoomiyaha bangiga dhexe ee Soomaaliya ayaa sheegay in wadamo hore oo deymo badan lagu lahaa iney iska bixiyeen deymihii lagu lahaa,wuxuuna tusaale usoo qaatay wadamada Nigeria iyo Seira Leone,wuxuuna ugu baaqay wadamada deeqaha bixiya iney Soomaaliya gacan ka siiyaan sidii ay iskaga bixin lahayd deymaha faraha badan ee lagu leeyahay.

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles