Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo eed u jeediyey qaar ka tirsan mudanayaasha baarlamaanka

$
0
0

Muqdisho(RBC Radio) Gudoomiyaha baarlamaanka federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari  ayaa eedeeyey qaar ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka oo ka tirsan gudiyada baarlamaanka Soomaaliya Jawaari ayaa sheegay in mudanayaal badan oo gudiyada ku jira ineysan gudan hawshii loo xilsaaray.

Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa shaaca ka qaaday iney jiraan mudanayaal ka tirsan gudiyada joogtada ah ee baarlamaanka kuwaas oo aan ilaa hada ka qayb galin kulamada ay yeeshaan gudiyada baarlamaanka”Ka maqnaanshaha kulamada gudiyada baarlamaanku waxa ay la mid tahay inaad ka maqnaato kulamada baarlamaanka federaalka” ayuu yiri gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Jawaari.

Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in ahmiyada ugu weyn ee hortaalla baarlamaanku iney tahay la xisaabtanka xukuumada si taa loo dardar galiyane ay muhiim tahay in la joogteeyo kulamada gudiyada kala duwan ee baarlamaanka Soomaaliya si ay dabagal ugu sameeyaan wax qabadka xukuumada dalka.

Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa kula dardaarmay mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya iney si hagaagsan u guraan hawsha ay ka sugayaan shacabka Soomaaliyeed,isla markaane ay muujiyaan wadaninimo iyo xilkasnimo iskuna xilqaamaan u adeegida bulshada Soomaaliyeed.

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles