Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Gaarisa: 500 Qof oo Hawlgal Lagu Qabqabtay Iyo Guddoomiye Sheegay In Gaarisa La Mid Noqotay Muqdisho Iyo Kismaayo

$
0
0

Gaarisa (RBC) Maalintii labaad ayaa hawlgal xoog leh oo amaanka la xiriira waxaa uu ka socdaa magaalada Gaarisa halkaasoo ciidamadii ugu badnaa ee kuwa Kenya ay ku qabqabteen dad kor u dhaafaya 500 ruux.

Hawlgalka oo shalay bilawday ayaa ka dambeeyay weeraro qaraxyo iyo dilal ah oo bilihii u dambeeyay ku soo laalaabtay magaalada Gaarisa. Weerarkii ugu dambeeyay ayaa toddobaadkii hore lagu dilay 11 ruux kadib markii rag hubeysan ay weerareen hotel ku yaalla magaalada bartameheeda.

Wariye madax bannaan oo ku sugan magaalada Gaarisa ayaa sheegay in hawlgalkii shalay ay ciidamadu ku qabteen dad ka badan 500 ruux kuwaasoo qaarkood galabkii la siidaayey kadib markii la ogaaday inay haystaan kaararka aqoonsiga.  Dad badan oo aan heysan kaararka aqoonsiga ayaa weli xiran.

Dhaqdhaqaaqa magaalada Gaarisa ayaa guud ahaan joogsaday, waxaana maalintii labaad xiran ganacsiga, hotelada iyo iskuulada waxbarashada iyadoo ciidamadu ay qabanayaan cid kasta oo xitaa ay ku jiraan ardayda iyo macalimiinta.

Dhanka kale booliska ayaa sheegay inay labo ruux oo laga shakiyey ku toogteen kontorool ku dhow magaalada Gaarisa kadib markii ay iskudayeen inay booliska ka baxsadaan.  Booliska Kenya ayaa sheegaya in labadaasi ruux loo maleynayo inay ka tirsanaayeen kooxda Al Shabaab oo dawlada Kenya ku eedeyneyso inay ka dambeyso weerarada ka dhacaya gudaha Kenya.

Booliska waxay kaloo sheegeen inay hayaan nin sare oo ka tirsan dhaqdhaqaaqa Al Shabaab ee gudaha Kenya ka hawlgala.

Guddoomiyaha gobolka: Gaarisa waxay la mid noqotay Muqdisho iyo Kismaayo

Guddoomiyaha gobolka Macalin Maxamed oo shalay markii uu hawlgalku bilaabanayey shir jaraa’id qabtay ayaa ku eedeeyay dadweynaha reer Gaarisa inay iska soo dhex saari waayeen kooxaha geysanaya amaandarrida iyo kuwa ka dambeeya.

“Gaarisa waxay hadda la mid noqotay Muqdisho iyo Kismaayo, wax la yeeli karana ma ahan.” ayuu yiri Macalin Maxamed.

Guddoomiyuhu wuxuu wacad ku maray in hawlgalada ay socon doonaan illaa inta caddaalada laga horkeenaya kuwa amaandarrida ka wada deegaanka.

Isniintii ayay dawlada Kenya sheegtay inay shaqada ka ceyrisay 10 ka mid ah saraakiisha booliska iyo dembibaarista Gaarisa oo la tuhunsan yahay inay la shaqeynayeen kooxaha amaandarrida ka wada deegaanka.

Hawlgalka socda ayaa bilawday kadib markii uu soo saaray madaxweynaha cusub ee Kenya Uhuru Kenyatta uu ku amray in wax laga qabto ammaandarrida ka taagan Gaarisa.

 

RBC Radio
Xafiiska Wararka Nairobi

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles