Muqdisho(RBC Radio) Ururka alshabaab ayaa sheegtay iney guulo ka gaareen dagaalo ay sheegeen iney ku qaadeen ciidamada AMISOM afhayeenka dhanka hawlgalada ururka alshabaab C/casiis Abu Muscab oo wareysi siinayey warbaahinta ku hadasha afka alshabaab ayaa sheegay iney khasaare lixaad leh gaarsiiyeen ciidamada AMISOM dagaalo ka dhacay gobolada Jubada hoose iyo Shabeelaha hoose.
Abu Muscab ayaa sheegay in ciidamada alshabaab ay jidka u galeen kolonyo ka tirsan gaadiidka ciidamada Kenya ee qaybta ka ah hawlgalka AMISOM kuwaas oo marayey inta u dhexeysa degmada Dhoobley iyo deegaanka Hoosingow ee gobolka Jubada hoose.
C/casiis Abu Muscab ayaa afhayeenka hawlgalada alshabaab ayaa tilmaamay in halkaas uu dagaal adag ku dhexmaray ciidanka alshabaab iyo ciidamadii Kenya ee ay wadada u galeen,wuxuuna sheegtay in goobta ay ciidanka Kenya kaga dileen 12 askari halka ay 15 kalane ay kaga dhaawaceen sida uu sheegtay.
Afhayeenka hawlgalada alshabaab ayaa dhanka kale sheegay in alshabaab ay jidka u galeen 4 ka tirsan gaadiidka dagaalka ciidanka AMISOM oo ka ambabaxay deegaanka Leego kuna sii jeedy deegaanka Yaaqbari-weyne ee gobolka Shabeelaha hoose,wuxuuna daboolka ka qaaday in dagaalka ay ku qaadeen ciidanka AMISOM ay kaga dileen 2 askari.
Ma jiro wax war ah oo ku aaddan sheegeashada alshabaab oo kasoo baxay saraakiisha ciidamada AMISOM ee hawlgalka ka wada dalka Soomaaliya.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho