Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

RW Saacid: Dilka Wariyaasha Looma Nisbeyn Karo Diinta Islaamka, Raadna Kuma Laha Dhaqanka Soomaaliyeed (War-Saxaafadeed)

$
0
0

Raysal Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon Saacid.

Muqdisho (RBC) Raysal Wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka ah ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon ayaa si kulul u cambaareeyay dilka wariye Maxamed Ibraahim Raage oo ka tirsanaa idaacadda iyo teleishanka dawlada kaasoo xalay maqribkii lagu dilay degmada Dharkeenley ee magaalada Muqdisho.

Raysal wasaaraha ayaa war saxaafadeed uu soo saaray ku celiey in xukuumadiisu ay bixin doonto lacag gaareysa 50-kun oo doolar oo la siinayo ciddii soo sheegta qof dilay wariye ama ka dambeeya dilalka wariyaasha.

Allah ha u naxariistee wariye Maxamed Ibraahim Raage oo ahaa 34 jir waxaa xalay maqribkii kooxo hubeysan ay ku toogteen albaabka gurigiisa oo ku yaalla xaafadda Macmacaanka ee degmada Dharkeenley ee magaalada Muqdisho waxyar kadib markii uu ka soo rawaxay shaqadiisa.  Wuxuu ifka kaga tagay hal xaas iyo labo gabdhood oo yar yar.

Meydka marxuum Raage ayaa maanta barqadii lagu aasay qubuuro ku yaalla duleedka magaalada Muqdisho.

Wariyahan ayaa noqonaya wariyihii afraad oo sanadkan 2013 oo hadda afar bilood laga qaatay lagu dilo Muqdisho taasoo walaac kale ku abuureysa suxufiyiinta ka shaqeeya warbaahinta guud ahaan Soomaaliya ku taalla.

Sidoo kake dulka wariyaha waxaa cambaareeyay Ururka Suxufiyiinta Qaranka ee NUSOJ oo ku tilmaamay dilkan mid naxdin leh.

Illaa hadda ma jirto wax war ah oo ka soo baxay hay’adaha amaanka oo u xilsaaran xaqiijinta amniga guud ahaan muwaadiniinta.

WAR SAXAAFADEED

Muqdisho, Abriil 22, 2013…… Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka  ah ee Soomaaliya mudane Cabdi Faarax Shirdoon ayaa si kulul u cambaareeyay dilkii foosha xumaa ee loo gaystay Wariye Maxamed Ibrahim Raage oo koox hubaysani ku dileen dagmada Dharkeynley shalay, Wariyaha ayaa ka mid ahaa suxufiyinta Telefeshinka iyo Idaacadda Qaranka Soomaaliyeed.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa tacsi tiiraanyo leh u direy qoyskii, iyo qaraabadii wariyaha asagoo sidoo kale u tacsiyeeyay bahda saxaafadda Soomaaliyeed gaar ahaan asxaabta Telefeshinka iyo Idaacadda Qaranaka ee uu wariye Maxamed Ibrahim la shaqaynayay.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa ku tilmamay falkaas mid naxariis daro oo aan loo nisbayn karin Diinta Islaamka isla markaana aan raad ku lahayn dhaqanka Soomaaliyeed.

Waxaana uu ku celiyay balanqaadkii dawladdu ay ku bixinaysay abaal-marinta dhan $50,000 (kontanka kun oo Doolar) ee ku aadanayd soo gacan-galinta iyo soo gudbinta xogta la xiriirta dambiilayaasha bartilmaameedsada suxufiyiinta Soomaaliyeed.

Waxaana uu cadeeyay in ay dawladdu la dagaalami doonto kuwa gumaadka ku haya dadka maskaxda iyo xoogga fiyow ee Soomaaliyeed.

DHAMAAD

 

RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles