Muqdisho (RBC) Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdixakiin Xaaji Maxamuud Fiqi oo maanta hortagay baarlamaanka Soomaaliya oo su’aalo weydiiyey ayaa ka jawaabay su’aalihii ay weydiiyey xildhibaanada oo gaarayay shan su’aalood.
Kulanka maanta oo uu gudoominayey gudoomiye Maxamed Cismaan Jawaari ayaa waxaa soo xaadiray in ka badan 190 mudane oo ay ku jireen xildhibaanadii codsaday in wasiirka difaacu hor yimaado baarlamaanka si wax looga weydiiyo hawlaha ay hayaan.
Xildhibaano kor u dhaafaya 30 ayaa soo diyaariyey mooshinka su’aalaha lagu weydiiyey wasiirka difaaca ayaa su’aalaha shanta ah ku hor weydiiyey baarlamaanka iyadoo wasiirkuna uu mid mid uga jawaabay.
Su’aalaha la weydiiyey wasiirka difaaca
Xildhibaanada oo la siiyey shan su’aalood oo horey loogu gudbiyey wasiirka, waxayna su’aalaha ahaayeen;-
1) Xaalada guud ee ciidamada qalabkasida ee dawlada iyo hawsha wasaaradda ay heyso dhanka horumarinta ciidamada.
2) Cabashada dadweynaha ee ku aadan kooxaha sita dharka ciidamada ee geysta dilalka, kufsiga iyo dhaca ee laga soo sheegayo meelo kala duwan.
3) Waxa ka jira in raggii weeraray xarunta maxkamadda gobolka Banaadir Axaddii hore ay siteen tuutaha militariga ee cusub kaasoo la soo saaray 12-kii bishan xilligii uu socday dabaaldegii aas aaska ciidamada.
4) Waxa ka jira in hub dawladu leedahay laga xaday xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya, kaasoo lagu tuhmayo saraakiil dawlada ka tirsan.
5) Daryeelka la siiyo ciidamada qalabkasida iyo agoonta ay ka geeriyoodeen xubnaha ciidamada ee ku nafwaayey difaaca dalka.
Jawaabaha wasiirka difaaca uu bixiyey
Wasiirka difaaca dawlada federaalka Soomaaliya Cabdixakiin Xaaji Maxamuud Fiqi oo ka jawaabay su’aalaha la weydiiyey ayaa ugu horeyn u hambalyeeyay ciidamada dawlada oo uu sheegay inay u taagan yihiin difaaca dalka saacad kasta.
- Mar wasiirku ka jawaabay xaalada guud ee ciidamada ayaa wuxuu sheegay in dawladu wado qorsge dib loogu habeynayo ciidamada qalabkasida oo ku kala sugan gobollada dalka iyo caasimada.
- Isagoo ka jawaabayey cabashada dadweynaha ee ku aadan kooxaha sita dharka ciidamada ee geysta dilalka, kufsiga iyo dhaca ee laga soo sheegayo meelo kala duwan ayuu wasiirku sheegay inay jiraan kooxo soo xirta noocii hore ee tuutaha ciidamada oo geysta dhibaatooyin balse dhowaan la ciribtiri doono.
Wuxuu sheegay in maxkamada ciidamada ay awood u leedahay in gacan bur ah iyo xukun adag kala hortagto cid kasta oo hub u adeegsata dhac, kufsi ama dhibaato kale.
- Wasiirka difaaca ayaa beeniyey in raggii weeraray xarunta maxkamadda gobolka Banaadir Axaddii hore 14 April 2013, ay siteen tuutaha militariga ee cusub. Wuxuuse sheegay in tuute hore oo aan hadda la isticmaalin loo adeegsaday weerarkaasi.
Wuxuu wasiirku ku qanciyey xildhibaanada in wasaaradaha difaaca iyo arrimaha gudaha ay wada wadaan qorshe lagu hagaajinayo amniga gudaha si looha hortago weeraro dambe oo laga geysto caasimada.
- Markuu ka jawaabay su’aasha ahayd in hub dawladu leedahay laga xaday xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya, ayaa beeniyey jiritaanka eedeyntaasi wuxuuna cadeeyay in ay jireen kooxo ciidanka ka mid ah oo isku dayey inay xadaan rasaas iyagana la qabtay marka laga reebo hal nin oo uu sheegay inuu baxsaday kaaso weli lagu raadjoogo, siduu yiri wasiirka.
- Wasiirka difaaca oo ka jawaabayey su’aasha shanaad ee la xiriirtay daryeelka agoonta iyo ciidamada hadda ku jira furimaha dagaalka ayaa qeexay in wasaaradda gaashaandhiga ay gacanta ku heyso qorshe lagu daryeelayo agoonta si mushaharkii aabayaashood ay u heli lahaayeen inkastoo uu sheegay inay jirto duruuf dhaqaale oo dawlada heysata.
Kulankan su’aalaha lagu weydiiyey wasiirka gaashaandhigga ayaa ahaa maalintii saddexaad ee toddobaadkan oo mudanayaasha baarlamaanka ay su’aalo weydiiyaan wasiirada xukuumada iyo raysul wasaaraha laftiisa.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho