Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Marxuum Wariye Maxamed Ibraahim Raage oo Goordhow Lagu Aasay Qubuuraha Jasiira Ee Duleedka Muqdisho

$
0
0

Wariye Maxamed Ibraahim Raage oo ahaa 34 jir ayaa rag hubeysan ku toogteen albaabka gurigiisa oo ku yaalla degmada Dharkeenley.

Muqdisho (RBC) Meydka marxuum Maxamed Ibraahim Raage oo ka mid ahaa wariyaasha idaacadda iyo telefishanka dawlada oo xalay lagu dilay magaalada Muqdisho ayaa goordhow lagu aasay qubuuraha Jasiira ee duleedka magaalada Muqdisho.

Aaska waxaa ka qeybgalay masuuliyiin ka tirsan wasaaradda warfaafinta, hay’adaha amaanka, ururka suxifiyiinta, wariyaasha warbaahinta gaarka ah iyo ehelada marxuumka oo saaka meydka ka sii raacay gurigiisa oo ku yaalla xaafada Macmacaanka ee degmada Dharkeenley.

Amaanka ayaa si aad ah loo adkeeyay iyadoo ciidamada amaanka ay sii raaceen gawaarida gelbineysay meydka Rabbi ha u naxariistee Marxuumka.

Markii uu aaska dhamaaday kadib ayaa waxaa goobta qabriga hadallo ka jeediyey masuuliyiin kala duwan oo isugu ururada saxaafadda iyo wasaaradda warfaafinta dawlada federaalka Soomaaliya.

Agaasimaha Radio Muqdisho C/raxiim Ciise Caddow oo hadlay ayaa sheegay inay si weyn ula murugoonayaan qoyskii iyo carruurtii uu ka tagay wariye Raage oo ahaa nin deggan aadna u dulqaad badnaa.

C/raxiim Ciise wuxuu dilka wariye Raage ku eedeeyay kooxda Al Shabaab oo uu sheegay inay horey u laayeen dada waxtarka u leh bulshada ee ay culimada ku jiraan.

“Al Shabaab wariyaasha kaliya ma dilaan, ee waxay dilaan cid kasta oo bulshada waxtar u leh waxay dileen Sheekh C/qaadir Nuur Faarax “Gacamey” oo ay Garowe ku dileen, Sheekh Axmed Xaaji C/raxmaan oo ay Boosaaso ku dileen, sidoo kale waxay gaarigiisa bambo u geliyeen Sheekh Bashiir Axmed Salaad.” ayuu yiri C/raxiim Ciise Caddow.

Waxaa isaguna tacsi guud jeediyey agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta C/risaaq Yuusuf iyo tifaftiraha Radio Muqdisho oo u tacsiyeeyey asxaabtii shaqada, qoyskii, xaaskii iyo carruurtii uu ka tagay marxuum Maxamed Ibraahim Raage.

Waxaa sidoo kale aaska ka hadlay Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Qaranka Maxamed Ibraahim “Bakistaan” oo dawlada ka dalbaday inay baarto kooxaha dilka wariyaasha ka dambeeya deg degna sharciga u horkeento.

Xoghayaha Ururka Suxufiyiinta wuxuu sheegay inay tirada wariyaasha sanadkan ku dhintay Soomaaliya ay hadda mareyso illaa afar wariye, halka sanadkii la soo dhaafayna ay ahayd 18 wariye taasina ay weli walaac iyo xannuun ku tahay bahda warfaafinta Soomaaliyeed oo aan heysanin amaan ay ku shaqeeyaan.

Allah ha u naxariistee wariye Maxamed Ibraahim Raage oo ahaa 34 jir waxaa xalay maqribkii kooxo hubeysan ay ku toogteen albaabka gurigiisa oo ku yaalla xaafadda Macmacaanka ee degmada Dharkeenley ee magaalada Muqdisho waxyar kadib markii uu ka soo rawaxay shaqadiisa.  Wuxuu ifka kaga tagay hal xaas iyo labo gabdhood oo yar yar.

Wariyahan ayaa noqonaya wariyihii afraad oo sanadkan 2013 oo hadda afar bilood laga qaatay lagu dilo Muqdisho taasoo walaac kale ku abuureysa suxufiyiinta ka shaqeeya warbaahinta guud ahaan Soomaaliya ku taalla.

Dhanka waxaa dilka cambaareeyay wasiir ku xigeenka warfaafinta Ibraahim Isaaq Yarow oo sheegay in dawladu ka hari doonin kooxaha dilka wariyaasha caadeystay oo uu ku tilmaamay inay ka mid yihiin Al Shabaab.

Illaa hadda ma jirto wax war ah oo ka soo baxay hay’adaha amaanka oo u xilsaaran xaqiijinta amniga guud ahaan muwaadiniinta.

 

RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles